Nin dhalinyaro
ah oo ku nool Magaalada Hargeysa oo sheegay in uu dad u
tahriibinayo dhinaca iyo Libya isagoo la kaashanaya (Jinni).
(Hargeysa, June
03,
2008 Ceegaag Online)
Dadka ilaa
iyo haatan aqbalay, aad ayay u fara badan yihiin, waxayna ka
kala yimadeen Magaaloyin kala ah Burco, Gaalkacyo, Boosaaso,
iyo xaafado ka mid ah Hargeysa.
Shuruudaha dadkani lagu xidhay waxaa ka mid ah, in ay
bixiyaan lacag dhan, 10$- toban dolar, lacagtaasi o lagula
hadlayo Jinka hadii uu ogolaadana, qof kasta laga doonayo,
lacagtii diyaarada oo gaadheysa 800$ sideed boqol oo Dollar.
Guriga
dadkani ay ku suganyihiin ayaan lahayn leydh iyo faynuus
toona, iyadoo waliba ay is dhex seexdaan rag iyo dumarba, waxaa
kaloo ay sheegeen ragii gurigaa tagay soona seexday, iyagoo
u kuur galaya, waxa meesha ka dhacaya,in sida loo qayilayo
rag iyo dumarba, saacada markii ay gaadho 2:00AM habeenimo,
in loo daad gureeyo dadka dooxa weyn ee Hargeysa,
iyagoo lagu war galiyo in Jinka war bixin la siinayo, kadib
ayaa Jinku waxa uu balan qaaadayaa, inuu diyaarad ku qaadayo,
lakiin waxa uu shardi kaga dhigay in aanay sheeydaanka la
iska Naarin inta lagu guda jiro howshani.
Wariyaha
Shabakada
warbaahinta ee
Ceegaag Online
ayaa arintan u kuurgalay , inkastoo aysan u
suurogalin in uu helo Magaca ninka howshan ka dambeeya oo
dhameystiran,marka laga reebo naanestiisa oo lagu soo koobay
(dacaw).
Wariyaha ayaa
wax ka
weeydiinay arintani, suura galnimadeeda iyo waxa ay ka qabto
diinta Islaamka, Qaar ka mid ah Culimaa'udiinka,
culimadu waxa ay sheegeen inaanay marna suura gal ahayn,
inuu Jin dad dhoofiyo, hadii ay dhacdana, marka uu geeyo
saxaraha, inuu ku odhan doono, ii Sujuuda, cidii diidana uu
halkaa ku tuurayo,
cidii ka ogolaatana, intuu yara kaxeeyo, kadibna iyaguna uu
halkaasi kaga tago, taasina qofku inuu kuwaayayo, Aakhiro
iyo aduunyaba.
Arintani waxa
ay soo shaac baxday ka dib saaka markii ay ka sheegeen
Masjid Jaamaca weyn
ragii u kuur galay arintani, abaabul ay saaka ku dhaqaaqeen
qaar ka mid ah, Culimada xaafada ayaa waxa ay ku doonayeen,
in ay Dowladdu kasoo Ashtakeeyaaan, lana xidh xidho Ragii
howshani ka dambeeyay,
wixii kasoo kordha, waxaanu u balan qaadeynaa
Akhristyaashayada in aanu usoo gudbin doono
Xafiiska
Wararka ee Ceegaag.com
Hargeysa
webmaster@ceegaag.com |