shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Police-ka South Afrika oo tacshiiradeeday Muwaadiniin Soomaaliyeed Magaalada Pretoria.

(Johannesburg, June 15,  2008 Ceegaag Online)

Ciidamada Police-ka ee Magaalada  Pretoria ayaa tacshiirad huwiyey dad Soomaaliyeed oo ku jira xerada qaxootiga ee waqooyiga Pretoria, arrintani ayaa waxa sababtay in eey dhaawacmaan 3 Soomaali ah oo midkood xaaladiisa halis tahay, waxayna dhacdada ka dambeeysey markii isku dhac xoogan uu dhexmaray Soomaalida iyo Police-ka. Sida ay Police-ka sheegeen, arrinta ayaa bilaabatay markii ay damceen in eey labbo qof oo Soomaali ah ka qaadaan tooriyo ay ku dagaalamayeen, taasoo keentey in dad weyne kale oo caraysan ay Police-ku la dhacaan dhagxaan, iyo walxo kale.  Kadib Police-ka ayaa ku jawaabay xabado cinjir ah, kuwaas oo dhaawacyo halis ah u geeystay 3 qof oo Soomaali ah, midkood ayaa xaaladiisu laga deeyrinayaa oo ay halis tahay. Wararka qaarkood oo saxaafada kusoo baxaya dalkan S/Africa ayaa sheegaya in ciidamada laga yaabo in eey isticmaaleen xabado noolnool, arrintaas oo hadda baaritaan lagu wado.  Xaalada nololeed ee xerada ayaa laga deeyrinayaa, waxaana jirta in isku dhacyada ciidanka iyo Soomaalida ay noqdeen kuwa joogto ah.

dhanka kale Warar goor dhaweyd iga soo gaaray magaalada Cape Town ayaa sheegaya in warqado loo daadiyey dad Soomaaliyeed oo ganacsiyo ku leh tuulada Khalitsha. Sida ay wararka sheegayaan, waxaa warqado lagu daadiyey tuulada Khalitsha ee magaalada Cape Town duleedkeeda ah, halkaas oo maalmo ka hor dib looga furay dukaamo iyo ganacsiyadii Soomaaliyeed oo rabshadihii dhawaanta ku xirmey.  Warqadaha ayaa ajaaniibta loogu digayay in eey isaga guuraan tuulada haddii kale birta laga asli doono.  

sido kale dowlada  South Africa ayaa Maalinta Murugada  Dadkii Ku Waxyeelobay  Mashaqadii Ajaaniib Neceybka  Ka Qabaneysaa Guud Ahaan dalka S/Africa, dowladda South Africa waxay qabanaysaa maalin qaran oo loogu murugoonayo laguna xusuusanayo, iyadoo tixgelin lagu siinayo dadkii ku naf waayey weeraradii ajaanib nacaybka.

Dawlada ayaa ku dhawaaqday maalinta murugada qaranka oo noqonaysa 24-ka June,ugu yaraan 21 qof ayaa ahaa South African 62 ka qof ee rabshadaha lagu dilay Police ka iyo dawladuba waa aay ka gaabsadeen inay wax ka yiraahdaan sababta loo bar tilmaan saday  South African ka laftooda. waxay yidhaahdeen baadhitaan ayaa socda. dawladu waxay ku macnaynaysaa weeraradan kuwo aan macna samaynayn,maalintani ma aha fasax balse waa maalin lagu tixgelinayo dadkii naftooda ku waayey intii qalalaasaha & rabshaduhu socdeen ayay tidhi dawladu. mudadii weeraradu socdeen 1300 diiwaan gelin ah ayaa la sameeyay,halka inka badan 1000 qof loo taxaabay xabsiyada,rabshaduhu waxay qarxeen bishii lasoo dhaafay  markii guruubyo dad ahi aay weeraro ku qaadeen guryaha iyo dukaanada aay leeyihiin dadka ajaanibta ah, rabshadaha ugu xumi waxa ay ka dheceen agagaarka Magaalada Johannesburg halkaas oo ajaanibtu ahaayeen bartilmaameed, kumanaan ayaa ka qaxay Dalkan South Africa kuna laabtay wadamadoodii,marka  laga reebo 30,000 kun oo qof oo kujira xeryaha laga sameeyay wadanka.   

W/D Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com


 

  

webmaster@ceegaag.com