shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qiimeyntii Qandaraaslayaasha oo wali socota iyo Shirkado Lagala Noqdey Ruqsadii Ganacsi.

(Jig-Jiga, June 24,  2008 Ceegaag Online)

Maanta waxaa maalintii saddexaad galey qiimeyntii qandaraaslayaasha deegaanka, ee ka socotey xarunta deegaanka Soomaalida ee Jigjiga. Galinkii hore ayuu shirguddoonku ka codsadey in qandaraasle waliba, uu faah-faahin ka bixiyo sababaha kallifaya in aan mashaariicda loo fulinin sidii loogu talagaley, isla mar ahaantaana la soo bandhigo dhalliilaha dhallisha ganacsaduhu leeyahay iyo haddii ay jirto dhanka xafiisyada dawlada ee mashaariicda laga qaato.

Kadib markii wareegii hore ganacsadayaasha waaweyni ay dhameysteen hadalkoodii ayaa loo guda galey kuwa dawladu ku eedaynayso iney qaateen mashaariic waaweyn oo loogu talagaley in bulshada lagu horumariyo, balse lacagtii isticmaaley iyagoon waxba qabanin.  Shirkad qoda ceelasha biyaha oo la yidhaahdo Al-Rabah mulkigeedana uu  leeyahey, Cabdullaahi Cabdiqaadir, ayaa maanta lagu dhawaaqey in laga joojiyey fasaxii ay kaga shaqeynaysey deegaanka Soomaalida, isla mar ahaantaana dawladu ay dib uga soo celin doono wixii hanta ah ee ay shirkadaasi ummada ka qaadatey. Sidoo kale waxaa isna ruqsadii lagala noqdey ganacsade lagu magacaabo, Xuseen Ciise, oo lagu eedeeyay inuusan mashaariicdii uu qaatey si fiican u fulinin.

Dhanka kale waxaa iyaguna ka hadley caqabadaha hor taagan fulinta mashaariicda, masuuliyiinta labada xafiis ee bixiya qandaraasyada ugu waaweyn Wasiirka Hawlaha Guud Eng. Cabdisalaam, iyo Wasiir ku xigeenka Biyaha Maxamed Cumar,   Labada maalmood ee fooda inagu soo haya ayaa la filayaa in lasoo gaba gabeeyo qiimeynta.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com