Qiimeyntii
Shaqaalaha ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo Maalintii
labaad Gashay.
(Jig-Jiga, June
10,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa maanta maalinkii labaad uu shir uga socdaa dhamaan
shaqaalaha heer deegaan magaalada Ji-Jiga ee caasimada
deegaanka Soomaalida Ethiopia, Shirkan ayaa Ahmiyadiisu ay
tahay dhanka horumarka iyo Nabadgalyada deegaanka.
Waxaa shalay shirka si guud looga wada hadlay guud ahaan
horumarka deegaanka iyo kaalinta kaga aadan xafiisyada
deegaanka, Shirkan ayaa sidoo kale waxaa si gaar-gaar ah
loogu gam-gamaynayaa shaqaalaha xafiisyada deegaanka, waxaa
shalay lagu bilaabay xafiiska Biyaha iyo Horumarinta
Macdanta oo dhaliilo badan ay u soo jeediyeen shir gudoonka
iyo dadkii ka soo qaybgalay shirkaba. Waxaa si gaar ah loogu
eedeeyay inay si khaldan u isticmaaleen lacagayow loogu
talogalay horumarinta biyaha degmooyinka, waxaa kale oo lagu
eedeeyay in ay shaqaale badan oo ka tirsan xafiiskani ay
xidhiidh la leeyihiin Jabhada Xornimo u dirirka ee ONLF isla
markaana ay ceelasha ka qodaan meelaha ay Jabhadu ka
dhadhawdahay amaba ay kula taliyaan inay ka qodaan.
Shirkan oo ilaa hada lagu jiro qaybtiisii koowaad ee dhanka
horumarka ayaa waxaa maanta galinkii hore isna miiska la soo
dhigay xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta dhaqaalaha,
xafiiska ayaa lagu eedeeyay isagana inuu ka mid yahay
meelaha uu horumarka deegaanku ka soconlayahay. Waxaa maanta
si gaara loo gam-gameeyay ama loo fashiliyay labada ku
xigeen Bashiir Cabdulaahi oo ah Qaybta Kharashbixinta iyo
Ismaciil Khaliif oo ah qaybta qorshaynta gaar ahaan waxaa si
culus loo weeraray Bashiir cabdulaahi oo lagu eedeeyay in uu
si shakhsiyan ah u lunsaday hantidii dawlada khaladna u
maamulay lacagayaw farabadan, waxaa kale oo labadoodaba lagu
eedeeyay inay ka soo bixi waayeen xilkii loo dhiibay oo ay
kala wadi waayeen shaqadii xafiiska. Hogaanka Abaabulka
mudane Daa’ud oo saaka shir godoonka ahaa shirka ayaa dhawr
jeer hadalkii ka joojiyay Wasiirka Bashiir cabdulaahi isaga
oo sheegay maanta inuusan is difaaci Karin balse talaabo
sharci ah laga qaadidoono, waxaa kale oo mudane Daa’ud uu ku
dhiiri galiyay shaqaalaha xafiiska maaliyada inaysan haba
yaraatii waxba u qarinin balse ay hortiisa ku fashiliyaan.
Ugu dambayntii wuxuu shir gudoonku cod u qaaday sidii wax
looga badali lahaa maamulka xafiiska maaliyada iyo
horumarinta dhaqaalaha. Waxaa la filayaa in sida ugu
dhakhsaha badan xilka looga qaadi doono wasiirka maaliyada
iyo horumarinta dhaqaalaha mudane Bashiir Cabdulaahi oo
maanta ku guuldaraystay inuu is difaaco, shaqaale iyo shacab
farabadanina ay dacwado ku soo oogeen.
Waxaa sidoo kale maanta galinka dabe isagana miiska la soo
saari doonaa Xafiiska Dakhliga oo isaga lagu tilmaamay inuu
baro dhaafiyay xafiiskan maaliyada. Shaqaalaha xafiiskaas
ayaa lasheegay inay ku takri faleen dakhligii dawlada u soo
xaroon lahaa iyadoo tusaalayaal loo sooqaatay dhawr qof oo
ka shaqeeya Isbaarooyinka ama Keelaayada magaalada oo guryo
Dabaq-yo ah ka dhistay Magaalada Jij-Jiga.
Shirkan ayaa waxaa kolka hore la dhamaystiri doonaa 5 xafiis
ee ugu waa wayn Kililka waa xafiisyada Beeraha, Waxbarashada,
Maaliyada, Caafimaadka iyo Biyaha, waa dhanka horumarkee
kadib waxaa loo gudbi doonaa kaalinta ay ka ciyaaraan
nabadgalyada taas oo uu shir gudoonka la wareegi doono
Hogaanka Nabadgalyada iyo Arimaha Cadaalada Mudane Cabdi
Maxamud Cumar (Cabdi Ileey). Waxaana la filayaa in shirkan
la soo xidho maalinka Isniinta ee fooda inagu soo haysa
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |