QM ayaa shaaca
ka qaaday in dad ka badan 40 qof oo shacab ah ay ku dhinteen
dagaaladii Khamiistii ka dhacay magaalada Muqdisho
(Nairobi, June 21,
2008 Ceegaag Online)
War laga soo saaray
xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha
bini'aadanimada ayaa shaaca looga qaaday in dad ka badan 40
qof ay ku dhinteen dagaalkii Khamiistii ka dhacay Magaalada
caasimada ah ee Muqdisho.
War bixinta todobaadla ah
ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dagaalkii u
dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo
isgarabsanaya iyo kooxaha ka horjeeda uu geystay khasaare
nafeed oo aad u xooggan, islamarkaana ay ku nafwaayeen dad
ka badan 40 qof oo dhamaantood ah shacab.
Qaramada Midoobay waxay war
bixinta ay ka soo saartay dhimashada dadka rayidka ah ay ku
sheegtay in xaafado ay dad shacab ah deganaayeen madaafiic
lagu duqeeyey taas oo sii kordhisay dadkii ku dhintay
dagaalka.
War biixnta ayaa lagu
sheegay in kumanaan shacab ah la dilay, kumanaan kalena laga
barakiciyey aqaladii ay deganaayeen kuwaas oo inta badan ku
yaalay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Dagaalkaa maalintii
khamiista aheyd ka dhacay deegaanada ku dhaw wadada
warshadaha gaar ahaan Guulwadayaasha iyo xaruntii hore ee
wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ciidamada Ethiopia waxa ay u
adeegsadeen madaafiic ay ku duqeeyeen xaafadaha Muqdisho
taas oo sababtay in dad fara badan ay ku geeriyoodaan halka
kuwa dhaawac ahna la dhigay isbitaalada Muqdisho
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |