Reer New England oo taageero xoogan u balan qaaday ururka siyaasiga ee NSUM.
(Boston, June 09,
2008 Ceegaag Online)
Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka iyo culuma’udiinaka ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee kudhaqan gobolada New Englend , USA ayaa kadhacay maanta magaaladan Boston. Kulankan oo ahaa mid taageero hiil iyo hooba loogu muujiyay ururka cusub ee (NSUM).
Ururkan oo ah mid dhawaan lagu dhawaaqay ayaa ah mid utaagan soo celinta karaamaddii, sharaftii, midnimadii iyo nabadgalyadii umada Soomaaliyeed. Kulankii maanta oo kadhacay magalada Boston ayaa uguhorayntii waxaa wacyi diina ku furay sheikh C/laahi Canshuur MS. C/laahi waxa uu ku dheeraaday qiimaha uu uleeyahay Iimanku qofka Bini’aadamka iyo wanaaga laga dhaxli karo isu tanaasulaka iyo wax wadaqabsiga.
Kalmadii sheekha iyo kalmado guubaabo ubadnaa oo ay jeediyeen martisharaf kasocotay gobolka Main. USA ayaa waxaa Microphone lagu wareejiyay gudoomiye ku xigeenka ururka NSUM Mudane Mahdi Maxamuud Cali Samatar, Mahdi waxa uu si faahfaahsan uga warbixiyay hadafka iyo waxqabadka urukan cusub isagoo intaas raaciyay guulihii balaadhnaa ee uu ururku ku talaabsaday mudaddii yarad ee uu dhisnaa ururku.
Gabagabadii kulankii maanta waxa uu godoomiye ku xigeenku jaawaabo saafiya kabixiyay su’aalo ay weydiiyeen martidii kasoo qebgashay kulankaas oo ubadnaa hadafka iyo mabaadida ururka NSUM. Arintaa oo keentay in 80% marti sharaftii shirka ka soo qayb gashay ku biiraan ururkan Siyaasiga ah NSUM.
Daawo Sawirada
Sawir qaade: Maxamed Xasan (Mr. Himilo)
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |