shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab ka da'ay Magaalada Muqdisho 24-saac ee la soo dhaafay ayaa dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

(Muqdisho, June 15,  2008 Ceegaag Online)

Inta la ogyahay ilaa 1-ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay halka dhaawac uu ka soo gaaray ilaa 3-kale oo dhamaantood uu ku dumay Darbi ku yaallay Xero ay ku barakaceen oo ku taalla xaafadda Wajeer ee Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu darbigaasi saameeyay roobabkii xalay da'ayay.

Mid ka mid dadka degaanaa Kaamka uu xalay darbiga ku soo dumay oo ku yaalla Xaafadda Wajeer ee Degmada Kaaraan ayaa sheegay in abaare 2:30 saqdii dhexe ee xalay uu ku soo dumay darbigii ku wareegsanaa Kaamkii ay dagaanaayeen oo lagu magacaabo Waagow Wan.

Waxa uuna intaa ku daray in Kaamka Waagow wan ay ku yaaleen ilaa iyo 21-buushash, isla mar ahaantaana ay daganaayeen ilaa 415-qoys oo halkaas ku barakacay, waxaana ay noqdeen hoygii ay dagaanaayeen oo ka sameysnaa cooshado kuwo gabi ahaanba dhulka la sinmay.

Sidoo kale waxaa saaka laga soo bixiyay Carada oo ay ku dumeen Buushashkii dad aad u fara badan oo daganaa Buushashkii ku yaallay Kaamkaas, iyadoo qofka dhintayna uu ahaa wiil 13-jir ah, waxaana dadka dhaawacmay loola cararay Isbitalka Keysaneey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Roobabkani da'ayay ilaa xalay ayaa waxa ay ka da'een Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah duleedka Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye,waxaana biyaha roobabkaasi ay fariisteen qeybo ka mid ah Wadoooyinka ku yaalla Xaafadaha Muqdisho, iyadoo gawaarida BL-ka ah ee ka shaqeeya Xaafadaha Muqdisho ay saaka ka wareeganayaan goobaha biyaha ay fariisteen.

Si kastaba ha ahaatee roobabka ka da'aya magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada waxa ay saameynta ugu badan ku yeelataa qoysaska barakacayaasha ah oo aan heysan meelo ay gabaad ka dhigtaan marka uu roobku da'ayo

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com