Sakeriye
Maxamuud X. Cabdi oo si kulul u weeraray Labada Shariif.
(Asmara, June 06,
2008 Ceegaag Online)
Guddoomiye ku
xigeenka Isbaheysiga Asmara
Sakeriye Maxamuud X. Cabdi ayaa si kulul
waxa uu u Weeraray Madaxda Isbaheysiga isagoo ku eedeeyay in
ay galeen qiyaano qaran oo ka dhan ah Isbaheysiga Asmara.
Isagoo ku
sugan Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea Sakariye
Maxamuud Xaaji Cabdi oo qadka Telefanka ugu waramay TV-ga Al
Carabiya ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan wada hadalo
qarsoodi ah oo dhaxmaray Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka
Jabuuti iyo Madaxda Isbaheysiga gaar ahaan Labada Guddoomiye
ee Isbaheysiga Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo
Shariif Xasan Sheekh Aadan waa sida uu hadalka u dhigay.
Sakariye
Maxamuud xaaji Cabdi ayaa waxa uu sheegay in arinkaasi ay
tahay mid meel ka dhac ku ah dastuurka Isbaheysiga Asmara
islamarkaana qiyaano baahsan ay ka galeen Isbaheysiga iyo
Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay .
Guddoomiye ku
xigeenka Isabaheysiga Asmara ayaa tilmaamay in
isbaheysigiisa ay heleen Macluumaad aan toos aheyn oo
Sheegaya in wada hadalo toos uu dhaxmaray Dowladda Ethiopia
iyo Labada Shariif (Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan)
taasina ay jabineyso dastuurka Isbaheysiga oo dhigaya in aan
wax wada hadal ah aan lala galeynin dowlada Ethiopia inta ay
isaga baxeyso gudaha dalka Somaliya.
waxaa wax
lala yaabo ku tilmaamay ka bixitaanka Shirka Jabuuti ay
isaga baxeen Madax ka tirsan isbaheysiga ka dib markii
halkaasi lagu arkay Safiirka Dowlada Ethiopia u fadhiya
dalka Jabuuti oo Shirka ka qeyb galaya,waxaana Sakiraye uu
sheegay intaasi Suurta gal aheyn iyaga oo wahadalo qarsoodi
marwalba la yeesha Safiirka Ethiopia u fadiya dalka Jabuuti
in hadana dartii uga baxan Shirkaasi.
Sakariye
Maxamuud Xaaji Cabdi Guddoomiye ku xigeenka Isbaheysiga
Asmara ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Isbaheysiga Sheekh
Shariif iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan in ay ka weeciyeen
siyaasada Isbaheysiga islamarkaana ay yihiin kuwo ka
baxsaday nidaamka Isbaheysiga uu ku socday,waxaana uu
sheegay in uu sii heynayo xilka guddoomiyaha Isbaheysiga dib
u xoreynta tan iyo inta laga soo dooranayo Guddoomiye Cusub
Maadaama buu yiri Shacriga ku tuntay islamarkaana uu ka
goostay isbaheyisga Guddoomiyaha isbaheysigaasi Sheekh
Shariif Sheekh Axmed
Guddoomiye ku
xigeynka Isbaheysiga Asmara
Sakeriye Maxamuud X. Cabdi waxaa kaloo uu ka
hadlay eedeeyntii guddoomiyaha isbaheysiga ku eedeeyay
Dowlada Eritrea in ay isbaheysiga kala qeybinayso,waxaana
Sakariye uu ku tilmaamay kuwo aan loo baahneyn islamarkaana
Sheekh Shariif uu ku deg degay sida uu hadalka u dhigay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |