Saraakiil ka
tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu
siminaar uga furmay magaalada Kampala.
(Kampala, June 16,
2008 Ceegaag Online)
Gen. Yuusuf
Dhuumaal oo ah madaxa hogaanka ka hortagga dambiyada ee
ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa
sheegay in 91 sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliska oo laga
soo kala xulay gobolada dalka Soomaaliya uu siminaar aqoon
kororsi dhinaca ciidanka ah uga furmay magaalada Kampala ee
xarunta dalka Uganda.
Wuxuu sheegay Gen. Dhuumaal in saraakiisha la bari doono
mudada uu siminaarku socda nidaamka CID-da, maamulka
dhaqaalaha iyo xiriirka dibadaha.
"Siminaarku waa mid kor loogu qaadayo tayada saraakiisha
ciidanka booliska, waxaana uu socon doonaa muddo 8 isbuuc
ah" ayuu yiri Gen. Yuusuf Dhuumaal madaxa ka hortagga
dambiyada ee ciidanka booliska.
Wuxuu intaas raaciyey in hay'adda UNDP ay qeyb lixaad leh ka
qaadan doonto siminaarka inta uu socdo, iyadoo saraakiil ka
socda dalka Uganda ay casharada bixin doonaan.
Ma ahan markii ugu horeysay ee saraakiil ka socota ciidanka
booliiska aqoon kororsi ay u aadaan dalal dibadda ah, iyadoo
inta badan ay jiraan siminaaro aqoon kororsi ah oo ay
dowladda KMG ah ugu deeqaan dalal kala duwan.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |