Mid kamid ah saraakiisha ciidanka booliska gobolka
Hiiraan ayaa iska casilay jagadii uu ka hayey
maamulka gobolkaas.
(G.Hiiraan,
June 23,
2008 Ceegaag Online)
Kadib shir jaraaid
oo uu qabtay Taliyihii ciidanka booliska gobolka
Hiiraan Col. Maxamed Caddow Niiniile ayaa sheegay in
uu iska casilay xilkii loo magacaabay ee uu u hayey
maamulka gobolka Hiiraan.
"Waan iska casilay
xilka, maanta wixii ka dambeeyana wax xil ah uma
hayo maamulka" ayuu yiri Col. Maxamed Caddow
Niiniile oo maamulka ugu magacawnaa taliyaha
ciidanka booliska gobolka Hiraan.
Sababaha uu isku
casilay ayuu sheegay in ay qeyb ka tahay xubnaha
maamulka gobolka oo aan dan ka laheyn dhinaca
amaanka, isagoo intaa raaciyey in amaanka gobolka
Hiiraan uu faraha ka sii baxayo waa sida uu hadalka
u dhigaye.
Illaa iyo hadda
maamulka gobolka kama aysan hadlin iscasilaada
taliyaha ciidanka booliska uu kaga dhawaaqay
magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Magaalada xarunta
ah ee Baledweyne ayaa shalay illaa xalay waxaa
siyaabo kala duwan loogu dilay labo qof oo mid uu
ahaa madaxi Hay'adda CRD ee gobolka Hiraan kaas oo
rag hubeysan ay ku toogteen bartamaha magaalada
Baledweyne.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan
Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |