shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Senator Barack Obama, ayaa si rasmi ah ugu Guuleystay Musharraxnimada Xisbiga Democraticiga ee Madaxtinimada Dalka Mareykanka.

(St. Paul, June 04,  2008 Ceegaag Online)

Senator Barack Obama oo ay iska dhaleen Aabe asalkiisu yahay Kenyan iyo hooyo caddaan ah waa 46 jir, ka tirsan Aqalka odayaasha (Senate-ka) dalka Mareykanka waxaana laga soo doortaa Gobolka Illinois.

Habeenimadii Xalay ayuu ku Guuleystay  Musharraxnimada Xisbiga Dimoqraadiga isagoo kala hadley fagaare ku yaalla Xcel Energy Center in St. Paul Minneapolis MN Shacab isugu soo baxay oo lagu qiyaasey 20,000 oo qof si ay u dhegeystaan qudbaddiisa, isagoo markaas sheegay inuu yahay Musharaxa Xisbiga Democraticga ee utaagan Madaxtinimada Dalka Mareykanka ee dhicidoonta Bisha November ee sanadkan.

Senator Barack Obama Waa nin dhallintyaro ah oo codkar ah, taageerayaal badanna leh. Waxaa mar kasta intii qudbaddiisu socotey hadba hadalkiisa ka dhex gelayey dad jilbeysan oo ku qaylinaya Magaciisa ….Obama…Obama… Obama ayaa Madaxweyne noqonaya!

SIYAASADDIISA

Senator Barack Obama waa ninka da’ahaan ugu yaraa musharrixiinta ka tirsan Xisbiga Democraticiga ee u sharraxnaa Jagada Madaxweynenimada Mareykanka. Hase yeeshee xubnaha Xisbigiisa ee la tartamay waxa uu dheeraa hal faa’iido oo ah inuusan marna taageersanyn una codeyn dagaalka Ciraaq intii uu Congress-ka Mareykanka ku jirey, halka ay Hillary Clinton ay iyadu u codeysey isla markaana taageertey dagaalka Ciraaq. Weliba Senator Barack Obama waxaa uu soo diyaariyey oo uu horgeeyey Aqalka Congress-ka Mareykanka qaraar ku baaqaya  in kasoo bixidda ciidamada Mareykanku ay billaabato waqti aan ka damabayn 1-da bisha May ee sanadkii 2007.

Waxaa kale oo qorshe-siyaasadeedkiisii ku jira inuu wax ka qabanayo Adeegyada Daryeelka Caafimaadka, Waxbarashada, Isbedelka Cimilada Adduunka, hoos u dhaca Miisaaniyadda dhaqaalaha Mareykanka iyo qodobbo kale.

Senator Barack Obama ma ahan oo kaliya nin da’yar oo Isbedel doon ah, ee waxaa uu Diyaar u yahay inuu dalka Mareykanka u dhigo Taariikh cusub, waa ninkii ugu horreeyey ee Madow ah ee si run ah ugu dhow inuu Madaxweyne ka noqdo Dalka mareykanka.,isagoo xalay si weyn u helay Musharaxnimada Xisbiga Democraticiga

SHAQSIYADDIISA

Inkasta oo lagu cilladeeyo inuusan ahayn siyaasi waayo arag ah, muddo aad u gaabbanna ka tirsana Aqalka Congress-ka Mareykanka hadana waxaa dadka ka faallooda siyaasaddu ay isku raacsan yihiin inuu ka mid yahay siyaasiyiinta xagga codkarnimada, ugu tayada sarreeya, qaarkoodna waxayba ku sifeeyeen inuu yahay Siyaasiga waqtigan aan lagu haysan Aftahanimadiisa.

Senator Barack Obama ayaa hore u ahaa Macallin Jaamacadeed oo dhiga Sharciga, waxaana uu ka qalin jeniyey Jaamacadda Magaca weyn leh ee Harvard University uu ka qaatey maadada Sharciga. Waxaa kale ee uu Jaamacadda Colombia University uu ka qaatey maadada  Culuunta siyaasadda. Waa Xaas (Michelle Obama) waxaana uu leeyahay Laba gabdhood (Malia Obama iyo Natasha (Sasha) Obama.

www.ceegaag.net

  

webmaster@ceegaag.com