shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Shaariif ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan heshiiskii dhawaan lagu gaaray Magaalada Jabuuti.

(Jabuuti, June 12,  2008 Ceegaag Online)

Sheekh Shariif oo wareysi siiyey TV-ga Al-jazeera ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in xubnaha ka tirsan isbeheysiga ee ka biyo diiday heshiiska ay taageeraan islamarkaana ay u istaagaan in ay si wada jir ah u soo dhaweeyaan heshiiska.

Wuxuu sheegay in heshiiska oo la taageero ay soo dadajineyso in ciidamada Ethiopia si dhaqso ah uga baxaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay xoog ku qabsadeen, isagoo intaa raaciyey in shacabka Soomaaliyeed aaney raali ka aheyn joogitaanka ciidamada Ethiopia.

"Waa inaanu dhamaanteen u istaagnaa hirgalinta iyo taageerista heshiiska oo suurtagal ka dhigi kara in ciidamada gumeysigu dalkeena isaga baxaan" ayuu wareysigiisa ku sheegay sheekh Shariif.

Sheekh Shariif wuxuu ku celceliyey baaq uu u jeedinayey xubnaha ka tirsan isbeheysiga ee qaadacay heshiiska, isagoo xubnahan ka dalbaday in ay shuruud la'aan taageeraan heshiiska lagu gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Heshiiska ay dhinacyada Dowladda KMG ah iyo mucaaradka isbeheysiga dib u xoreynta ku gaareen magaalada Jabuuti ayaa waxa uu la kulmay caqabo iyo qaadacaad kaga timid dhinacyo ka horjeeda kuwaas oo sheegay in xiligaan aanu heshiis meesha soo gali karin iyadoo ciidamada Ethiopia ay dalka joogaan

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com