shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Shariif Fursad ha la siiyo

(Somalia, June 06,  2008 Ceegaag Online)

Awooda Cadowgaada oo aad fahantaa waa Qayb weyn oo kamid ah Guusha.

Sheekh Shariif wuxuu wareysigiisii ugu danbeeyey ee uu siiyey Laanta Af-Soomaaliga ee BBC  ku sheegey in Soomaali cadow badan ay leedahay. Haddaba  aqristoow cadowga Soomaalida waa kuma ?. Ma labada Gole ee Dowlada Federaalkaa , ma Itoobiyaa, ma Mareykankaa, mise waa Beesha Caalamka ?. Waxaa haboon in la fahmo cida kula dagaalameyso  si aad dagaalkaa ugu diyaargarowdid.

Shacabka Soomaaliyeed maanta cadowgiisa waa Beesha caalamka waa guud ahaan Dowladaha ka jira caalamka waxaa taas u daliil u ah musiibada balaaran ee maanta Soomaaliya ka jirto oo barakicin leh, oo kufsi leh, oo dil   iyo xasuuq leh. Yaa ka hadla, yaa u soo gurmadey, yaa shacabka Soomaaliyeed ee dhibaato bani'aadan tii ugu xumayd ee waligeed soo marta ka dhiidhiyey ?.

Aawey Dowladihii Islaamka magacooda wadaagney ?. Aawey kuwii Carabta oo aan xubinta ka ahayn ?. Aawey wadamadii African-ka oo aan isku qaarada ka tirsanayn oo midabka iyo derisnimada wadaagney. Aawey wadamadii Reer Galbeedka ee u doodi jirey xuquuqda bani'aadanka?. Maxaa kuligood aamusiyey.

Xaqiiqada jirtaa waxey tahay dunida maanta wadamo dano gaar ah leh baa xukuma iyagaana haga siyaasada caalamka maanta ka jirta cid ka daba hadli kartaana ma jiro, dowladahaas iyo sida ay wax u wadaan iyo waxaa is diidan sida Soomaalida wanaaga u aragto. Waa cadaalad daro caalamka maanta ka jirta haddaba ma dagaal keliyaan wadnaa mise waxaa loo baahanyahay in aan fahano siyaasada caalamka ka jirta iyo danaha nalaga leeyahay.

Sheekh Shariif wuxuu fahmey in Soomaali cadow badan leedahay, cadowgeedana ka weyn yahay Dowladda Itoobiya, wuxuuna ogaadey in cadowga Soomaalida aan dagaal keliya looga adkaan karin oo Diblomaasiyad iyo wadahadal ay lagamamaarmaan tahay.

Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan shaley Isbahaysiga Asmara  iyagaa doortey maanta in laga daba hadlaa oo la dacaayadeeyaa waa daciifnimo iyo xilkasnimo, Sheekh Shariif baaqii ugu danbeeyey ee uu soo saarey waxaa ku jirey hadalkan " Sheekh Ibnu Taymiya ayaa yiri ruuxa caaqilka ihi wuxuu kala gartaa khayrka iyo Sharta laakiin Xakiimku waa ruuxa laba shar kala dooran kara".

Sheekh Shariif sida uu sheegey waxaa loo baahanyahay in xikmad iyo xilkasnimo la adeegsadaa si laba shar tan yar loo qaadan lahaa, waana in la raadshaa si kasta oo suurtagal ah oo Itoobiya Soomaaliya looga saari karo islamarkaana shacabka Soomaalida looga dulqaadi karo dhibaatada baaxada weyn ee dul saaran. Waa in caalamka Af ay wax ku fahmayaan loogula hadlaa.

Sida Sheekh shariif sheegey waa in Muqaawamada socotaa islamarkaana la ogolaadaa in lala hadlo qof walba oo arimaha Soomaaliya xal u helideeda qayb ka ah.

Senator Barack Obama oo ka mid ah xubnaha u tartamaya jagada Madaxweynenimada wadanka Mareykanka  ee sanadkan ayaa dhawaanahan yiri " Haddii aniga Madaxweyne ka noqdo wadanka Mareykanka waxaan la hadlayaa wadamada iyo Ururada  Mareykanka cadowga ku ah ama u arkaan sida Hamas, Hezbollah, Iran, Syria, Cuba, iyo North Korea maxaa yeeley lalama hadlo oo keliya cida aad saaxiibka la tahay keliya, hadii aad nabad rabtid waa in aad la hadashaa xitaa cadowgaada".

Cadowga Soomaalida maanta waa ka weynyahay Itoobiya iyo dadka taageerada siiya sida Midowga Yurub iyo Mareykanka,  Awooda cadowgaada oo la fahmaana waa qayb weyn oo guusha kamid ah. Qadiyada Soomaalida maanta beesha caalamka oo idil ama in badan oo kamid ah ayaa cadow ku ah oo Mareykanka ugu weyn, awoodna uma lihin in dagaal keliya wax ku xalinaa. Haddaba si shacabka Soomaalida ee dhibaateysan ay nabad u helaan islamarkaana gumeysiga looga dulqaado waa in Sheekh Shariif Sheekh Axmed  fursad la siiyaa iyo shaqsigii kale ee ay ka go'ikarto nabad kusoo dabaalida Guud ahaan Dalka Soomalaiya.

www.ceegaag.com

 

 

  

webmaster@ceegaag.com