shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Shariif oo Nairobi kula kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Somalia.

(Nairobi, June 19,  2008 Ceegaag Online)

Guddoomiyaha isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya safiirka dowladda mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya mr. John Yeets.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada dhinac kaga wada hadleen xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya, iyadoo kulanka uu sidoo kale ka qeyb galay Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyaha golaha dhexe ee isbeheysiga dib u xoreynta.

C/raxmaan Ibi oo ka tirsan isbeheysiga dib u xoreynta ayaa sheegay in isbeheysigooda ay kulan la qaateen safiirka dowladda mareykanka isagoo intaa raaciyey in kulankaas diiradda lagu saaray dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya iyo sidii looga samata bixin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaanu mareykanka kala hadalnay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen bixitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya" ayuu yiri C/raxmaan Ibi oo ka hadlay kulankaas.

Kulanka ayaaa ku dhamaaday jawi isafgarad leh sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada
Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Guddoomiyaga isbeheysiga dib u xoreynta iyo xubno la socda ayaa labadii cishe ee ina dhaaftay waxa ay magaalada Nairobi ka wadeen kulamo siyaasadeed, iyadoo horey ay ula kulmeen safiirada dalka Kenya u fadhiya wadamo badan oo beesha caalamka ah.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com