shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir Sanadeedkii urur goboleedka IGAD ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

(Addis Ababa, June 14,  2008 Ceegaag Online)

Xarunta lagu qabanayo shirka waxaa xaadir ku ah Madaxweynayaasha Sudan, Kenya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Ra'isul wasaaraha dalka Ethiopia oo isagu marti galinaya shir sanadeedka urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed oo kamid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa lagu wadaa in uu qudbad dheer ka jeediyo madasha shirka, isagoo madaxda ururka hordhigi doona wax ka qabashada xaaladaha murugsan ee ka jira dalka Soomaaliya.

Qodobada looga hadlayo shirka ayey qeyb ka tahay xaaladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in shirka ay ka soo baxaan arrimo muhiim ah.

Sidoo kale dagaalka u dhexeeysa dowladaha Jabuuti iyo Eritrea ayaa qeyb ka ah xaaladaha lagu lafa gurayo shirka madaxda urur goboleedka IGAD maanta uga furmay Magaalada Addis-ababa.

Si kastaba ha ahaatee shirka maanta Addis-ababa uga furmay urur goboleedka IGAD ayaa ah shir sanadeedkii ururka oo badanaa looga hadlo xaaladaha iyo dhibaatooyinka ka jira dalalka ku bohoobay ururka IGAD

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com