Shirkii
Shaqaalaha ee Deegaanka Soomaalida oo lasoo gabagabeeyay.
(Jig-Jiga, June
17,
2008 Ceegaag Online)
Todobaadkii la
soo dhaafay ayaa waxaa ka soconaayay Magaalada Jij-Jiga ee
Caasimada deegaanka shir loo qabtay shaqaalaha deegaanka
gaar ahaan kuwa heer Kilil oo lagu qiimaynaayay
waxqabadkooda xaga horumarka iyo dhanka nabadgalyadaba, ayaa
waxaa si qoto dheer loo dhex galay Shaqaalaha guud ahaan
deegaanka iyo dadka kale ee shacabka kuwaas oo qaar badan
lagu fashiliyay inay taageero iyo cilaaqaad laleeyihiin
Jabhadaha ka dagaalama deegaanka.
Intii uu
shirku soconaayay ayaa xabsiga loo taxaabay dad aad u tiro
badan oo isugu jira masuuliyiin, dad shacab ah iyo shaqaale
kaleba kuwaas oo dhamaantood lagu soo eedeyay . waxaa shirka
kasoo qaybgalay gudi ka socotay xafiiska cadaalada ee
deegaanka kuwaas oo u kuurgalaayay eedaymaha loo soojeediyay
dadkaas si ay markhaatiyo ugu helaan marka la horkeeno
maxakamada. Waxaa la sheegayaa in durba qaarkamida dadkii la
xidh-xidhay maxakamad la soo taagay.
Inkastoo uu
shirkii dhamaaday hadana gudigii qaban qaabada shirka ee
daadihinaysay shirku waxay ku hawlan yihiin sixitaanka dad
aad u tiro badan oo ay diiwaan gashadeen intii uu shirku
socday. Sixitaankan ayaa isugu jira in laga saxo
khaladaadkii dhacay iyo dadkii aan iyagu waxba galabsanin ee
si khaldan loogu soo eedeeyay inay nabadiidka xidhiidho kala
duwan laleeyihihiin iyo fashilinta xubnaha xaqiiqda lagu
hayo iyo sidii ay cafis u waydiisan lahaayeen dawlada ulana
shaqayn lahaayeen hada wixii ka dambeeya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |