shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliyihii Ciidamada Asluubta Qansax Dheere oo la dilay.

(Qansaxdheere, June 07,  2008 Ceegaag Online)

Taliyihii Ciidamada Asluubta Degmada Qansaxdheere ayaa xalay lagu dilay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay, Wararka ayaa sheegaya in Taliyahan oo la oran jiray Cali Barre ayay dilkiisa ka dambeeyeen xoogaga Al-Shabaab oo iyaga gaaray deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xubno ka tirsanaa maamulkii dowlada federaalka oo halkaasi ku sugnaa ay isaga carareen, iyada oo gudaha magaalada ay xoogaga Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka KMG ah, maamulka gobolka Bay iyo kan degmada iyadoo aan la ogeyn in Guddoomiyaha degmada Qansax Dheere uu halkaasi ku sugan yahay iyo in kale.

Dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa dhinaca kale lagu soo waramayaa in ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ay ku sugayaan amaanka deegaanka, Dhowr meelood oo ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool ayay gacanta ku dhigeen Al-Shabaab, inkastoo meelahaasi ay mararka dambe isaga baxaan.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com