shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tartanka Ciyaaraha Qaarada Yurub ayaa maanta si Rasmi ah uga Furmidoona Dalalka Switzerland iyo Austria.

(Basel, June 07,  2008 Ceegaag Online)

Afartii sano mar ayaa la qabtaa Tartanka Ciyaaraha Qaramada Yurub oo sanadkan lagu wado inuu ka furmo Dalalka Switzerland iyo Austria oo sanadkan 2008-da marti gelinaya.

Tartankan ayaa ah markiisii 13-aad ee la qabto waxaana ka qayb qaadanaya 16-ka Wadan ee ka soo gudba is reeb reebka loo dhigo Wadamada Qaarada Europe.

Hadaba sanadkan waa uu ka duwan yahay sanadihii hore, waayo Xulal caan ah iyo ciyaartoy caan ah ayaa ka maqan oo aan cka qayb qaadaneyn iyadoo ay jiraan xulal ku cusub tartankan, Xulalka cusub waxaa ku jira Xulka Romania oo ahaa Xulalkii ugu awooda badnaa, balse wixii ka dambeeyay laacibkoodii darbada kululaa ee George Hagi la waayay, haatanse waxaa hogaaminaya Ciyaaryahan Adrian Mutu.

Waxaa sanadkan shaashadaha ka maqan Ciyaaryahano caan ah oo is lahaa Koobkan waad Ciyaareysaan, kuwaasoo nasiibka u diiday, waxaa ka mid ah Ciyaaryahanadaas Fabio Cannavaro oo dhawaan ku dhaawacmey Tababar ay sameenayeen Xulkiisa Talyaaniga, sidoo kale Ciyaaryahanada Xulka England ayaanan dhamaantood lagu arki doonin Ciyaaraha Qaarada Yurub ee Maanta ka furmidoona Dalka Switzerland maadaama ay ku Guuldareysteen in ay usoo baxaan.

Sidoo kale Xulalka Faransiiska iyo Talyaaniga oo xafiiltan uu ka dhaxeeyo ayaa mar kale is wajihi doono, waxaana markan ay yihiin kuwo Isku Group ah, Labadan xul waxaa isugu dambeysay usoo bixitaanka isla Koobkan oo ay isku Group kuw ada jireen.

Colaada ka dhaxaysa Talyaaniga iyo Faransiisku waxay si aad ah usii cuslaatay kadib markii Ciyaaryahanka ugu Akhlaaqda Xun Ciyaaryahanada Caalamka oo lagu magacaabo Marco Materazzi  oo u ciyaara Xulka Talyaaniga si anshaxa ka baxsan u Aflagaadeeyay Zinedine Zidane oo ka mid ah Ciyaaryahanada ugu Caalibsan ee Caalamka soomara.

Wadamada Ka qeyb galaya ayaa isku arkidoona sidan:

Group A                              Group B                  Group C                   Group D

Czech Republic                   Austria                     France                       Greece

Portugal                               Croatia                      Italy                            Russia

Switzerland                         Germany               Netherlands                  Spain

Turkey                                 Poland                   Romania                       Sweden

Tartankan sanadkan ayaa ah mid si weyn isha loogu wada hayo, waxaana uu yahay mid si weyn loo sugayo furitaankiisa maanta waxaa kulanka u horeeya lagu furayaa Xulalka Switzerland iyo Czech Republic.

Sanadkii u dambeeyay ee la qabto Ciyaaraha Qaarada Yurub waxa uu ahaa 2004-tii waxaana  qaaday Koobka Xulka Qaranka  Greek.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com