shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Thabo Mbeki oo ugu baaqay Muwaadiniinta dalkiisa in ay Difaacan walaalahooda Afrikanka halka ay ka weerari kahaayeen.

(Cape Town, June 18,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha dalka South Africa Thabo Mbeki ayaa dhalinyarada dalkan u dhashtey ka codsaday in eey difaacaan walaalahooda Afrikaanka ah, halkii eey ka weerari lahaayeen, isagoo ka hadlayay munaasadaba maalinta dhalinyarada qaranka Ee dalkan South Africa, oo lagu qabtay gobolka Western Cape ayuu dhalinta dalka ku booriyey in eey isu taagaan taageerida dadka afrikaanka ah ee dalka ku nool.
 
"One of your immediate and principal responsibilities is to protect our fellow Africans who live in our country from cowardly attacks by criminals, which we have seen here in Cape Town and other parts of our country in the past weeks.""
 
Mid ka mid ah shuruuda iyo mas’uuliyadiina ugu horeeysa waa difaaca walaalihiina Afrikaanka ah kuwaas oo ku nool dalkiina, kana difaacdaan weerarada fuleynimada ah ee ay ku qaadayaan dambiilayaasha waxaas oo aaynu ku aragnay magaalada Cape Town iyo meelo kale oo dalka ka tirsan " ayuu yiri Mbeki oo kumanaan dhalinyaro ah kula hadlayay fagaaro ku dhex yaala jaamacada University of Cape town.
 
Sidoo kale Mbeki ayaa sheegey in libaaxyada dhalinta 2008-da ay iskula qabweeynaadaan ahaanshiyahooda Afrikaanka, isla markaasina ay difaacaan xuquuqda dadka Afrikaanka ah meel kasta oo eey joogaanba. Dhalinta libaaxyada ayuu ola jeedey, dhalin magacaasi wadatay oo aheyd kuwii dhagxaanta kala hortagay ciidamadaii midab takoorka sannadkii 1976 .
 
Si kastaba ha ahaatee hadalka madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale ku raacay mas’uuliyiin kale oo goobta ka hadasahay, kuwaas oo dhalinta ka codsaday in eey ajaaniibta Afrikaanka ah xaqooda difaacaan halkii eey ka weerari lahaayeen.

W/D Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com