Ururada Bulshada
oo QM ugu baaqay in Cunaqabateyn adag la saaro Cidii ka
hortimaada wada hadalada Jabuuti.
(Jabuuti, June 04,
2008 Ceegaag Online)
Ururada Bulshada rayidka
ah ee goob joogga u ah shirka dib u heshiisiinta ee ka socda
dalka Jabuuti ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay cuna
qabateyn dhinac walba ah ku soo rogaan kooxdii ka hortimaada
wada hadalada ka socda dalka Jabuuti.
War qoraal ah oo ay
magaalada Jabuuti ka soo saareen inka badan 9 Urur oo goob
joog u ah shirka Jabuuti ayey ku sheegeen in ay tahay in
cuna qabateyn lagu soo rogo dhinicii ka horyimaada in wada
hadal lagu dhameeyo dhibaatooyinka ka aloosan dalka
Soomaaliya.
Ururada bulshada rayidka
ah ayaa waxa ay sheegeen in talaabadaan ay tahay midda
kaliya ee wax looga qaban karo dhinacyada isku haya
siyaasadda dalka Soomaaliya islamarkaana loo baahan yahay in
cadaadis xooggan la saaro.
Waxay qoraalkooda golaha
amaanka uga codsadeen in ay ka shaqeeyaan qaabkii ciidamada
Ethiopia
looga saari lahaa gudaha dalka Soomaaliya si loo afmeero
dhibta ka jirta dalka Soomaaliya.
Bulshada rayidka ee
iminka ku sugan dalka Jabuuti ayaa guud ahaan beesha
caalamka ku booriyey in ay u istaagaan sidoo xal waara loga
gaari lahaa arrimaha Soomaaliya oo muddo badan ay ka jireen
khasalaase siyaasadeed iyo isjiid-jiid u dhexeeya dhinacyada
Soomaalida ah ee ku kala aragtida duwan arrimaha dalka
Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |