Waa Maqaal Marugo Badan oo
aan ka soo Diyaariney Neceybka Ajaanibta heerka uu marayo
Dalka South Africa.
(Johannesburg,
June 20,
2008 Ceegaag Online)
Ajaanibta barakacday oo ku sugan xaalad ay la baqayaan
Mustaqbalkooda,Nabadgelyadooda isla markaana ay kala maqan
yihiin qoysaskoodii.murugada,qax iyo dhibaatada haysata
Ajaaniibta ayaa noqotay mid aan lasoo koobi Karin.
Arrintani waxay sii kordhinaysaa kacsanaanta xaga dareenka
iyo jahwareerka haysta ajaaniibta ku dhaqan guud ahaan
dalka Koonfur Africa.
Arrimahan oo dhami waxay damqayaan dhaawacyadii hore ay kala
kulmeen wadamadoodii dagaaladu kuhabsadeen,Matalaan oo kale
xerada qaxootiga ee lagu magacaabo Soatwater dad ayaa ku
cararay bada kuna hanjabay in aay isdilayaan,taasi waxay
dhacday markii waxay dalbanayeen aay waayeen.
Sido kale Xerada kale ee Lagu Magaacabo Young field Military
Base:cadhada iyo dareenka kacsan ayaa horseeday in dad
qaxootiga ka mida xabsiga loo taxaabo kadib markii aay isku
dayeen in kuwo kale ay ku qasbaan in aay ka soomaan cutada.
Arrimo
noocaas lamida ayaa laga sheegayaa magaaladan Johannesburg
kadib markii rajo xumo ku timid nidaamkii dib
udejinta,dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn baa sheegay,madaxa
(MSF) ee south Africa Rachel Cohen ayaa yiri waxaan
goob-joog u ahaa qoysas la kala kexeeyey,waxaan maqlay kuwo
kale oo aay cabsi iyo argagax geliyeen nabad sugida loo
kiraystay in aay sugaan amaanka dadka bara kacay, dadku
waxay noo sheegayaan in aay ku dhaceen dabin ayna garanayn
meel aay aadaan cid waliba waxay ku guul daraysatay
in aay difaacdo Ajaaniibtan xitaa hayada UNHCR ta ee Cape
town shaqaale loogu tala galay badbaadinta dadka dhibaatadu
asiibtay ayaa la geeyayay meelo kala duwan .
Robyn Rowe oo ah dakhtar cilmiga nafsiga ku takhasusay ayaa
yiri qaar ka mida xeryaha waxay xusuusinaysaa
dhibaatooyinkii cabsida badnaa aay la kulmeen waqtigii aayka
soo carareen wadamadoodii aay asal ahaanka yimaadeen,hada
marlabaad waa in aay qaataan waxa aay haaystaan raadsadaana
meel nabad gelyo ah.
Xaaladaha is dilka haa'yaduhu waxay uqaateen si dhab ah
iyadoo lagu macneeyey oohin caawimo raadis ah ama ogaaysiis
dadka barokacay ayaa waxay u adkaysan la yihiin dhaqanka aay
kala kulmayaan xaalada aan caadiga ahayn jidh ahaan iyo
nafsad ahaanba.
Iyada oo weliba aay jirto qabow ba,an roobab iyo dabaylo
xoog badan oo dhufsaday hoygii aayku jireen, Jahwareerku
wuxuu qofka ka dhigi karaa in uu u dhaqmo qaab aan caadi
ahayn mana caawinayso xeryaha lagu godoomiyay.
haweeneyda lagu magacaabo Lauraine Vivian:oo ah dhaqtarad
ku takhasustey cilimiga nafisga islamarkaana khabiirku ah
asalka dadka kuna sugan machaadka (UCT) ayaa tiri arrimo
kala duwan ayaa sababi kara in dadku aay dareemaan rajo
la,aan.
mida koowaad o ah weerarada isir nacaybka loona diiday
aqoonsi,tan-labaad dadka la bara kiciyey isla markaana aay
dhibaato ka taagan tahay wadamadoodii waxaa asiibay murugo
ah xaga nafsada hadii aan laga daweyn waxay khatar ugu sugan
yihiin xanuun dhinaca maskaxda ah ama xataa isdil...
W/D Hassan
YeeY
Johannesburg,
South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |