shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waa Maxay Hadafka Dhabta ah ee Ururka Al-Shabaab?

(Karachi, June 02,  2008 Ceegaag Online)

Wadanka Soomaaliya oo ah wadan 20 Sanno ku dhowaad aan lugu arag Dowlad si hufan u shaqaysa ayaa waayahaan dambe waxaa ku soo biiray koox ku cusub is Jiid-jiidka siyaasadda Soomaliya, Kooxdan oo ah kooxda loo yaqan Al-shabaab waa kuwo inta badan sheegata in ay u dagaalmayaan Diinta oo da'ahaan jira 2 sanno iyo bar.

Ururka Al-Shabab (kalmadda micno ahaan waa dhalin yaro), Balse hadda micnaha ay xambaarsantahay waa Urur Siyaasadeed oo sheegta in uu u dagaalama in Wadanka lagu maamulo Dastuur ku salaysan Diinta Islaamka. Kooxdan dhismo ahaan waxaa la moodaa in ay ka duwan yihiin kooxihii hore u soo maray Siyaasada Soomaaliya balse marka aad u fiirsato farqi wayn uma dhexeeyo waana dhinac qabiilka.

Inta badan Dhalin yarta u dagaalanta waa bilaa qabiil balse Hogaamiyaasha waa kuwo qabiil ahaan u dhisan. Tusaale ahaan kooxdaan marka ay rabaan in ay qof qaarijiyaan waxay u diraan nin ka mid ah iyaga oo la qabiil ah ninka la qaarijinayo, waayo hadaan sidaa la samayn sii socon maayeen .

arintaan waxay ka dhacday meel u dhow Magaalada Waajid xili ay dileen nin aysan iyaga hubin kadibna waxay dhelisay buuq taas oo keentay in ninkii loo qisaaso qoladii kale oo isaga laftirkii Al-Shabaab ahaa. Alshabaab waxaa lugu yaqiin in Xawda ka jeraan nin walba ay qabtaan oo ka mid ah Dowladda uu hogoomiyo Madaxweyne CABDILAAHI YUUSUF.

May 30, sacaduna ay ahayd 17:00 kii galbanimo waqtiaga Soomaaliya ayaa kooxdaan Alshabaab waxay gacanta ku dhigeen nin caan ah oo ka mid ah waliba kooxda u diiday shabacka Soomaaliyeed in salka dhulka dhigaan. Ninkaan oo ah Cismaan Xasan Cali Caato waa nin ay ku tilmaamaan dadka qaar in uu xasuuq u gaystay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Mogadisho. Sacadu ka dib ayay sii dayeen kooxdii qabatay Caato taasoo aan lugu baran kooxdaan sii daynta nocaan oo kale ah, waxayna keentay in Su'aalo la iska waydiyo Hadafka loo aasaasay Ururka Al-shabaab.

Kooxdan oo surka ka jeri jiray xitaa ninkii wax ka iibiya ciidanka u shaqeeya Dowladda iska daayee nin xildhibaan ah oo waliba arimo lagu xidhiidhiyo. Isla maalintaas habeenkeedii ayaa waxaa la weeraray Guri uu xildhibaan leeyahay oo ku yaala xaruunta Dowladda ee Baydhabo. Xildhibaankaa wax kale looma weerarin aan ka ahayn xildhibaanimadiisa taas oo ay iskula jiraan Xildhibaan ka kale ee la sii daayay.

Kala xulashada shaqsiyaadkan oo kale waxay u keenaysaa kooxdaan caawaaqib xumo soo wajahada hadafka loo aasaasay. Afhayeen u hadlay kooxdaan ka dib markii ay sii daayeen caato waa Macalin Aadan (Abu qayd) ayaa wuxuu ku tilmaamay Xildhibaan Cismaan Caato nin qutul yoon raadsanaya oo waliba ku sii daray in ay sii dhaweeyeen oo meelaha qatarta ah sii dhaafiyeen.

Hadaba Cismaan Caato waa qutul yoon doon kuwa kale guryaha lugu weeraro waa Bambo sugayaal sida afhayeenku u dhigay warka.

Gebogebadii Al-shabaab waxa u bariyay waa Cusub, Siyaasad cusub iyo tuhun cusub oo ku salaysan dhaqanka ay muujiyeen. Dadka qaar waxaa ay leeyihiin nin dambe Al-shabaab qabto oo la dilo waa u dhamaatay waayo waxay bilaabeen siyaasad cusub oo ku salaysan Qabiil.

Dhacdadaan waxay meesha ka saraysaa shakigii markii horeba laga qabay oo ahaa in aysan Diin u dagaalamayn oo ay u janjeeraan dhanka Qabyaaladda, Balse waxaan leeyahay aan ka warsugno wax ka soo bixi doona maalmaha soo socda arrimahan oo kale iyo jawaabaha laga bixin doono.

W/D: CABDUQAADIR SULEYMAAN MAXAMED

KARACHI, PAKISTAN

saleymaan4@hotmail.com

Xasuusin:

Fikrada Dadweynaha mas’uul kama aha Shabakada Ceegaag online ee Mas’uuliyadeeda waxay saran tahay Shaqsiga soo qora Fikirkiisa.
 

  

webmaster@ceegaag.com