shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wajiga labaad ee Shirka Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Asmara ayaa manta si toos ah uga furmay Jabuuti.

(Jabuuti, June 01,,  2008 Ceegaag Online)

Wajiga Labaad ee shirka dib u heshiisiinta Dowladda Kmg iyo Mucaaradkeeda ayaa maanta si toos ah uga furmaya magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti, iyadoo wafuud kala mataleysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ay xaadir ku yihiin dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Furitaanka shirka ee maanta ayaa lagu wadaa in marka hore ay hadalo ka jeediyaan xubno ka kala socda beesha caalamka iyo madaxda dowladda iyo mucaaradka ee shirka ka qeybgalaya, waxaana wararka laga helayo dalka Jabuuti ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuuf Axmed uu gaari doono saacadaha soo aaddan magaalada Jabuuti.

Maanta iyo berri ayaa lagu wadaa in shirka qeybihiisa hore siminaar lagu bixiyo kaas oo ku saabsan qaabka gurmad loogu fidin karo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo siminaarka si weyn diradda loogu saarayo dhinica bini'aadanimada.

Shirka oo ay aheyd in uu shalay ka furmo dalka Jabuuti ayaa waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii wafuuddii ka socotay dhinaca dowladda KMG ay xoogaa saacado ah dib uga dheceen madasha shirka.

Shirka ayaa waxa uu leeyahay muhiimad gaar ah marka looga eego madaxda ka qeybgaleysa, waxaana shirka muhiimada gaar ah u yeelaya iyadoo ay ka qeybgakayaan madaxda ugu sareysa dowladda iyo mucaaradka sida Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Cabdisalaan Xaaji Aadan oo dhinaca Dowladda KMG ah halka mucaaradka ay ka joogaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com