shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

War Saxaafadeed ku Aadan Heshiiskii Shirkii Dib u heshiisiineed ee lagu gaaray Dalka Jabuuti.

(Muqdisho, June 12,  2008 Ceegaag Online)

Hay’ada Isku xirka Nabada iyo Xuquuda Aadamiga waxay aad u taageeraysaa natiijadii ka soobaxday shirkii dib uheshiisiineed ee ay ku dhawaaqeen labada dhinac oo lagu qabtay magaalada Jabuuti, ee Caasimada Jamhuuriyada Jabuuti taas oo labada dhinac ku saxiixeen qodobada hoos kuqoran:

a) In xabadda la joojiyo
b) In Ciidamada Itoobiya ay Somalia kaga baxaan muddo 120 casho ah
c) In si Wadajir ah looga wada shaqeeyo Nabadeynta Waddanka Soomaaliya

Hayada INXA  waa isku xir u abuurmay in la joojiyo colaadaha, lana taabbageliyo dib-u-heshiisiin Bulsho iyo mid Siyaasad oo horseeda Xasilooni iyo Nabad waarta. In la xurmeeyo xuquuqda aadanaha iyo inuu dalka ka taabogalo maamul hufan (Good Governance) oo ay qaykayihiin bulshada rayadka.ah,

INXA waxay ku baaqaysaa in la’adkeeyo 120 Maalmood ee soo socoto in ay qof walbo qayb kaqaadato sidii nabad loogu soo dabaalilahaa, colaadahan Dalka ka jiray gaar ahaan Gobolka Banaadir iyo degaanno ku dhow dhow.

Waxay kaloo Hay’ada ka codsanaysaa qofkastam oo Soomaali ah in ay ka qeybqaadato Nabada si niyad sami ah.

Sahra Omar Malin

INXA Vice chairperson

  

webmaster@ceegaag.com