Waxaa magaalada
Jabuuti lagu soo xiray siminaarkii halkaas uga socday ergada
Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Asmara.
(Jabuuti, June 07,
2008 Ceegaag Online)
Siminaarka
oo maalmo halkaas uga socday Dowladda Federaalka Soomaaliya
iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomalaiya ayaa waxaa casharo
ka bixinayey quburo ka socda Qaramada Midoobay kuwaas oo
mudadii uu siminaarka socday si weyn diiradda ugu saarayey
dhinaca Bini'aadanimada.
Siminaarka
ayaa horudhac u ahaa shirka dib u heshiisiinta uga socda
dalka Jabuuti Dowladda KMG iyo xubnaha mucaaradka ah.
Wararka
laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in ay socdaan kulamo
gaar gaar ah oo looga gol leeyahay sidii la isugu soo
dhaweyn lahaa dhinacyada ku shirsan dalka Jabuuti.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada
Jabuuti ka wada kulamo uu ku doonayo in uu isugu soo
dhaweeyo Dowladda iyo mucaradkeeda, waxaana wararku ay
sheegayaan in uu kulamo aan la shaacin la qaatay madaxda ugu
sarsareysa ee dhinacyada dowladda iyo mucaaradka ee ku sugan
dalka Jabuuti.
Inkasta oo
la soo gaba gabeeyey siminaarka ayaa haddana waxaa lagu
xusuustaa mudadii uu socday markii ergada mataleysa
mucaaradka ay isaga baxeen hoolka kadib markii uu goobta soo
galay danjiraha Ethiopia u jooga dalka Jabuuti halkaas oo
muran iyo isqabqabsi uu ka dhashay.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |