shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xalku waxa uu kujiraa in La heshiisiiyo Madaxweyne C/llaahi Yusuf iyo C/qaasim waxaa sidaas ku taliyay Jen. Galaal.

(Muqdisho, June 28,  2008 Ceegaag Online)

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Talyaaniga ayaa si kala gooni-gooni ah shaqsiyaad iyo urrurro Soomaaliyeed oo Talyaaniga u dhow u weydiisay inay taladooda xalka Soomaaliya u soo gudbiyaan, shaqsiyaadkii arrintaas lagu casumeyna waxaa ka mid ahaa Jen. Maxamed Nuur Galaal, oo talo ahaan ku bixiyey in qilaafka Soomaaliya lagu xallin karo iyadoo la heshisiiyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf iyo C/Qaasim Salaad Xasan.

Jen. Galaal oo taladiisa sii faahfaahinaya sida aan warka ku helney ayaa sharxay in C/qaasim uu yahay hoggaamiyaha beesha Habar-Gidir uuna astaan ama sumad la eegto u yahay qabiilka Hawiyaha, taasina ay ka dhigayso shaqsi xallin kara dhibaatada Soomaaliya.

Jen. Galaal oo taladiisa qoraal ahaan u dhiibteyna waxa uu sii raaciyey in taageerada weyn ee Maxkamadaha ay ka helayaan qabiilka Hawiyaha meesha laga saari karo haddii C/qaasim uu kaalin siyaasadeed ku yeesho Soomaaliya.

Jen. Galaal ayaa sidoo kale kula taliyey dawladda Talyaaniga inay ka shaqeyso sidii ay isu fahamsiin lahayd dawladda Mareykanka iyo C/qaasim oo uu ku tilmaamey inay fikrado qalad ah ka haysato.

Cabdiqaasim oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii wax ka soo dhisey dawladda Kmg ee lagu soo dhisay Imbagathi ayaa hore isugu deyey inuu siyaasad ahaan afduub-kula wareego Maxkamadaha waxa uu hadana u tafaxaydan yahay sidii uu kaalin siyaasadeed ugu qaadan lahaa hoggaanka dalka, waxaana uu olole siyaasadeed ka wadaa dalka Masar oo uu ka dhaadhicinayo inay siiso gacan-qabad siyaasadeeed.

www.ceegaag.com

 

  

webmaster@ceegaag.com