shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii ay dalka Jabuuti ku wada gaareen Dowladda KMG ah iyo Mucaaradka.

(Asmara, June 10,  2008 Ceegaag Online)

Wuxuu sheegay in shirka Jabuuti aanu ka soo bixin wax natiijo ah islamarkaana ay aad uga soo horjeedaan isagoo meesha ka saaray in xubnaha uu hogaaminayey sheekh Shariif Sheekh Axmed aysan matalin isbeheysiga oo ay ahaayeen shaqsiyaad aragtidooda ka hadlayey.

"Horey baanu shacabka ugu sheegnay in shirka aaney ka soo bixi doonin natiijooyin la taaban karo, wixii aan horey uga dignay baa iminka soo baxay" ayuu yiri Mr. Aweys oo xubin ka ah isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Sheekh Xasan Daahir ayaa intaas raaciyey in ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya uu yahay mid mugdi ku jira maadaama heshiiska uu ku jiro in Dowladda KMG laga codsanayo qaabkii ciidamada Ethiopia uga bixi lahaayeen Soomaaliya.

Wuxuu sheekhu xusay in dagaalka aanu istaagi doonin islamarkaana aanu u hakan doonin heshiiska lagu gaaray dalka Jabuuti ee labada dhinac ay isla saxiixeen.

Waa mas'uulkii ugu sareeyey ee ka horyimaada heshiiska lagu gaaray dalka Jabuuti islamarkaana xubin sare ka ah isbeheysiga dib u xoreynta oo u muuqda mid ku kala jabay heshiiska lala gaaray Dowadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com