Xasan
Turki ayaa qaadacay heshiiskii ay kala saxiixdeen Dowladda
KMG iyo Mucaaradka.
(Dhoble, June 11,
2008 Ceegaag Online)
Sheekh Xasan
C/laahi Xirsi (Xasan Turki) oo kamid ah hogaamiya ciidan ee
ugu waaweyn maxkamadaha Islaamka ayaa qaadacay heshiiskii ay
dowladda KMG iyo mucaaradkeeda ku kala saxiixdeen magaalada
Jabuuti ee xarunta dalka Djibouti.
Xasan
Turki oo shir
jaraa'id idaacadaha Muqdisho ugu qabtay qadka fooneeyahay
loo yaqaan ayaa sheegay in aanu ogoleyn heshiiskaas
islamarkaana ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan
ciidamada Ethiopia oo uu xusay in dalka looga saari karo
qori caaradiis.
Wuxuu
tilmaamay in heshiiska aaney ku cadeyn in ciidamada Ethiopia
ay si dhaqso ah uga baxaan dalka Soomaaliya oo uu sheegay in
ay duulaan ku qabsadeen.
"Waanu wadi
dagaalka illaa aan dalka ka xoreyno cadowga, heshiiskaana
inagu waxba nagama quseeyaan" ayuu yiri Sheekh Xasan Turki
oo la hadlayey warbaahinta.
Wuxuu sheegay
in uu ugu baaqayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay
dagaal la galaan ciidamada
Ethiopia
oo uu xusay in ay si gardarro ah ku qabsadeen dalka
Soomaaliya, xalka kaliya ee dalka looga saari karana uu
yahay dagaal.
Marka laga
soo tago Sheekh Xasan Daahir Aweys waa mas'uulkii labaad oo
ka tirsan maxkamadaha Islaamka ee qaadacay heshiiskii
Jabuuti lagu saxiixay, waxaana sidoo kale jira shaqsiyaad
kale oo sidaan oo kale ka biyo diiday heshiiskaas
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |