shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaan Maxamed Cali Shire oo ku geeriyooday Magaalada Burtinle.

(Galkacyo, June 22,  2008 Ceegaag Online)

ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Cali Shire (Shiriye) oo ka tirsanaa xubnaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Goboladda SSC ayaa habeen hore ku geeriyooday Burtinle xili loo waday magaalada Gaalkacyo oo la doonayey in diyaarad laga saaro.

Allaha u naxariistee
Xildhibaan Maxamed cali Shire (Shiriye) oo mudooyinkan jiifay Isbitaalka magaalada Garoowe ayaa waxaa hayey xanuun dhinaca sonkorta ah isla markaana mid ka mid ah lugtiisa nabar ugu yiilay uu sababay in la jaro, taas oo keentay in ay ka sii darto.

Xildhibaanka ayaa lagu waday in shalay magaalada Gaalkacyo laga saaro diyaarad geyn laheyd magaalada
Nairobi si halkaasi loogu soo daweeyo, balse qadar Alle uu yimid.

Xildhibaan Maxamed cali Shire ayaa isla shalay lagu Aasay magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Maamulka iyo Howlwadeenada Shabakada Ceegaag.com waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Eheladii Xildhibaan Maxamed cali Shire (Shiriye) Waxaan Ilaahay uga baryanaa in Murxuumka Janadii Fardowsa ka waraabiyo Dhamaanteena Samir iyo iimaan inaga siiyo.

Aamiin             Aamiin                  Aamiin

  

webmaster@ceegaag.com