shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaan Maxamuud Cali Deri oo ku geeryooday Magaalada Minneapolis ee Cariga Maraykanka.

(Minneapolis, June 02,  2008 Ceegaag Online)

Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan shalay ku geeriyooday Magaalada Mineapolis Murxuum Maxamuud Cali Deri (Daba yare). oo ka mid ahaan jiray Mudanayaashii Baarlamaanka ee Dowladihii Soomaaliya ee Lixdamaadkii, isaga oo ka kid ahaa mudanayaashii Lagasoo dooran jiray Gobolka Sool.

Anagoo ah bahda www.ceegaag.net waxaan tacsi u diranaa Qoyskii iyo Qaraabadii Murxuum Maxamuud Cali Deri, waxaan kale oo tacsi udiranaa dhamaan umada Soomaaiyeed gaar ahaah Shacabka Gobolka Sool.

Waxaan ilaahay uga baryanaa in Murxuum Maxamuud Cali Deri Janada Fardowsa ka waraabiyo Dhamaanteena Samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Ceegaag

  

webmaster@ceegaag.com