shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Somalia ayaa codsaday in heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti la horkeeno Barlamaanka.

(Baydhabo, June 25,  2008 Ceegaag Online)

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa codsaday in heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti la horkeeno barlamaanka Soomaaliya, iyagoo dowladdana ugu baaqay inay heshiiska keento xarunta Barlamaanka Baydhabo.

Kadib shir jaraa'id oo ay ku qabteen qaar kamid ah xildhibaanadaas ayuu sheegay xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble oo kamid ah xildhibaanada shirka jaraa'id qabtay inay aad u taageersan yihiin heshiiska la gaaray, hase ahaatee ay haboon tahay in xubnaha Barlamaanka la horkeeno qodobada heshiiska.

"Dowladda ayaan ugu baaqeynaa in ay qodobada heshiiska soo hordhigto Barlamaanka, maxaa yeelay waa sida ugu haboon oo uu heshiis ku hirgali karo" ayuu yiri xildhibaanmka, Wuxuu intaas raaciyey in xukuumadda Ra'isal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) aaney waxba ka soo qaadin xildhibaanada Barlamaanka, isagoo dhaliil kulul u jeediyey xukuumadda Ra'isul wasaare Nuur Cadde.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay inay tahay in xildhibaanadu ka doodaan heshiiska si ay u meel mariyaan, isagoo intaa raaciyey in uu rajeynayo in ay xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde baaqooda u dhag raarici doonto.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com