Xoogagga
Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Xudur ee
Gobolka Bakool.
(Xudur, June 28,
2008 Ceegaag Online)
Wararka laga
helayo degmadaas ayaa sheegaya in xoogagga Al-Shabaab ay
gacanta ku dhigeen gaadiid ay lahaayeen guddoomiyaasha
gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur.
Warar lagu
kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in dhaawac uu soo gaaray
guddoomiyihii degmada Xudur kaas oo lala cararay kadib
dhaawaciisa.
Dhinaca
kalena xoogaga taabacsan maxkamaha Islaamka ayaa iyagana la
wareegay magaalada Baledweye ee xarunta gobolka Hiiraan
markii ay halkaas isaga bexeen maamulkii gobolka Hiiraan.
Xoogagga
maxkamadaha ayaa gudaha u galay magaalada iyagoo isku
fidiyey xarumaha muhiimka ah ee ku yaala magaalada
Baledweryne sida xarumihii gobolka iyo kuwa booliska.
Dadweyne
careysan ayaa bililiqo u geystay sida la sheegay xarumaha
maamulka gobolka, iyadoo aan xog dheer ah laga heynin
waxyaabaha ka socda magaalada Baledweyne.
Si kastaba ha
ahaatee la wareegista magaalooyinka Xudur iyo Baledweyne oo
ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Hiiraan ayaaney wali ka
hadlin mas'uuliyiinta dowladda KMG ah
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |