shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoogagga Maxkamadaha ee qabsaday Baledweyne ayaa la wareegay gaadiidkii dagaal ee uu lahaa Yuusuf Dabageed.

(Baledweyne, June 30,  2008 Ceegaag Online)

Sida wararku sheegayaan gaadiidka ay la wareegeen xoogagga maxkamadaha ayaa gaaraya 4, waxaana gacanta ku hayey ganacsade reer Baledweyne ah oo ay ciidamada Itoobiya ku wareejiyeen markii ay kala wareegeen maamulkii Yuusuf Dabageed ee meesha ka baxay.

Sidoo kale gaari yar oo nooca raaxada ah oo la sheegay inuu lahaa xildhibaan ka tirsan barlamaanka ayey xoogagga maxkamaduhu la wareegeen, iyadoo gaadiidkaas ay iminka gacanta ku hayaan xoogagga maxkamadaha Islaamka.

Xoogagga maxkamadaha ayaa sidoo kale waxaa wararku ay sheegayaan inay howlgallo amaanka lagu sugayo ka bilaabeen gudaha gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Baledweyne.

Magaalada Baledweyne iyo guud ahaan deegaanada kale ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa iminka gacanta ku haya xoogag taabacsan maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed kuwaas oo la wareegay markii ay ciidamada Ethiopia iyo maamulkii gobolka Hiiraan halkaas faarijiyeen.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com