shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xulka dalka Spain ayaa ku guuleystay Horyaalnimada Qaramada Qaarada Yurub.

(Vienna, June 30,  2008 Ceegaag Online)

Xulka Qaranka Spain oo lagu tiriyo kuwa ugu awooda badan Aduunka ayaan wax koob ah ku guuleysan mudo 44 sano ah taasoo ceeb ku aheyd kubada cagta Spain laakiin hada si sharaf leh ayey kusoo afjareen ceebtii koob la`aanta markii ay xalay qaramada Yurub ee sanadkan ku guuleysteen ka dib markii ay wada badiyeen dhamaan kulamadii ay ciyaareen.

Spain oo  kulankii xalay iyo guud ahaan tartankanba aheyd dalkii ugu ciyaarta wanaagsanaa ayaa la dhihi karaa wey u qalmeen hanashada horyaalnimada Qaarada Yurub iyagoo gaar ahaan kulankii caawa soo bandhigay ciyaar miisaaman oo isku xiran min difaac, dhex iyo weerarba isla markaana aan la tabanin ciyaaryahanka ku guuleystey tartanka gool dhalinta David Villa oo dhaawac kaga maqnaa kulankii xalay.

Fernando Torres ayaa noqdey halyeygii Spain markii uu dhaliyey goolka keliya ee ciyaarta daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta qeybteeda hore markii uu baas fiican ka helay Xavi isla markaana intuu si layaableh uga soo hor maray Lahm uu si maskaxeysan uga dul qaaday goolhaye Lehman.

Torres oo kulankaan ka hor dhaliyey hal gool oo keliya ayey dad badan ku eedeynayeen in tartankan uusan noqon sidii laga filaayey iyadoo nasiibkana ka eexday daqiiqadii 23aad markii uu birta ku dhuftay teesto uu kaga hor marey ciyaaryahanka difaaca uga dheela Jarmalka Per Mertesacker laakiin goolkiisa caawa guusha usoo hoyey dalkiisa Spain ayuu ku noqdey halyeygoodii.

Xulka Jarmalka oo koob caalami ah ugu dambeysey 1996kii ayaa mar kale Final lagaga badiyey iyadoo 2002 ay Brazil kaga adkaatey Finalkii koobka aduunka.

Spain markii ugu horeysey ee ay tartankan ku guuleystaan waxey aheyd sanadkii 1964kii iyadoo kana uu u noqonayo koodii labaad iyadoo markii ay ciyaarta dhamaatey ay dad aad u badan oo faraxsan isugu soo bexeen wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee Spain sida Madrid, Valencia Catalonia iyo Mallorca  si ay ugu dabaaldegaan guushan weyn ee usoo hoyatey.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com