Xuska maalinta qaxootiga
Aduunka ayaa shalay si weyn loo xusey guud ahaan dalkan
South Africa.
(Johannesburg,
June 21,
2008 Ceegaag Online)
Xuska
maalinta qaxootiga aduunka ayaa shalayto si weyn loo xusey
guud ahaan dalkan South Africa, waxaana xusaska lagu qabtay
magaalooyinka kala ah Johannesburg, Pretoria, Cape Town iyo
Port Elisabeth, xuskan waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan
jaliyado soomaaliyeed oo ku dhisan dalkan South Africa.
Dhanka
kale Xaflad shalayto lagu qabtay aqalka Baarlamaanka ee Cape
Town ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil Jaaliyadaha
soomaalida ka mid ah,halka xaflad lagu qabtay Gobolka
Eastern Cape waxaa ka qayb galay illaa 60 qof oo Sooomaalieed
ka socota, iyadoo sidoo kale xaflad ka dhacday magaalada
Pretoria oo tabin toos ay ka heysay idaacada SABC qeybta
Africa la hadasha ee Tvga , waxaana ka qeyb galay Qolyo
Matalayey Jaaliyada Soomaaliyeed.
Xuska
maalintani ayaa waxaa dadkii hadalada ka jeediyey ka mid
ahaa Wasiirka socdaalka iyo arrimaha gudaha ee dalka South
Africa, waxay sheegtey in aanan dad qaxooti ah dib dalkoodii
loogu celin doonin kadib rabshadihii dhacay, hadalkaasi
wuxuu burinayaa hadal dhawaan kasoo yeerey afhaayeen dawlada
u hadlay oo sheegey in dawlada ay qorsheeynayso in dib
dalalkoodii loogu celiyo, gaar ahaan kuwa aanan sharciyada
heeysan.
Si
Kastaba ha ahaatee wasiirada ayaa sheegtey in dadka
sharciyadooda ay kaga lumen sharciyadooda ay dawladu ka
caawin doonto in la siiyo sharciyo cusub. sido kale hay'aada UNHCR
saraakiil u hadashay ayaa sheegey in aanan dadka qaxootiga
dib loogu celin doonin wadamadooda, waxay intaasi ku dareen
in qaxootiga la caawin doono.
W/D Hassan
YeeY
Johannesburg,
South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |