10 qof
ayaa ku geeriyootay 20 kalana way ku dhaawacmeen dagaal
beeleed maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
(Gaalkacyo, March
17,
2008 Ceegaag Online)
Dagaal
aad u qaraar ayaa maanta ka dhacay Koonfur Bari ee Magaalada
Gaalkacyo kaasoo sababay dhimashhada tobon qof oo isugu
jira dad rayid ah iyo kooxihii dagaalamayay, dagaalka ayaa
salka ku haya muran ka dhashay lahaanshaha dhul ku yaala
nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi.
Goobaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay inuu jiro dhaawacyo dad
oo halis ah kuwaaso aan waxba looga qaban Karin magaalada
Gaalkacyo ,iyadoo xaalada labo ka mid ah dhaawacyada ay
halis ku jirto.
Iska
horimaadka ayaa bilaawaday saaka markii maleeshiyo hubaysani
ay dumiyeen guri ku yaala dhulka lagu muransan yahay taasoo
keentay in la isku habar wacdo oo dagaalkaas uu dhaco.
Maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa la shegay inay dadaal ugu
jiraan sidii loo qaboojin lahaa xiisadan waxayna wada hadal
dhexmaray go’aan ku gaareen in la soo afjaro dagaalada
dhiiga sababay iyadoo lala kaashanayo waxgaradka labada
dhinac ee dagaalamay.
Magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkan ahayd meel aad u
xasiloon oo ay ku yarayeen dagaalada iyo iska horimaadyo u
dhaxeeya dadka wada dega taasoo ay u suurta galisay in
magaalada xudun u tahay ganacsiga dalka.
dagaalkan ayaa noqonaya mid abuura jawi colaadeed oo ku
timaada nabadii lagu wada deganaa,waxayse ku xiran tahay
sida waxgaradku ugu guntadaan in laga hortago cooladaha iyo
wax kasta oo wax udhimaya daganaanshaha Gobolka.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |