shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

150-qof oo abaaro iyo cuduro ugu dhintay gobolka Gedo iyo xildhibaano gobolkaas kasoo jeeda oo shir jaraa'id ku qabtay Baydhabo.

(Baled Xaawo, March 23, 2008 Ceegaag Online)

Inka badan 150-qof ayaa ugu geeriyootay qeybo kamid ah gobolka Gedo abaaro iyo cudurka shubanka, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka u dhimanaya abaaraha ka jira gobolka Gedo.

Dadkaan geeriyooday ayaa badankooda waxa ay abaaro iyo cudurka shubanka ugu dhinteen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, halka ay dad kale oo gaaraya 50- ku kala geeriyoodeen deegaanada Ceel-cadde iyo Garsaan oo ka tirsan gobolka Gedo.

Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Diiriye (Indha-buur) oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolkaas ayaa sheegay in ay gobolka Gedo ka jirto masiibo bini'aadam tii ugu xumeyd isla markaana maalinkasta gobolkaas ay abaaro iyo cuduro dad ugu geeriyoodaan.

Wuxuu sheegay in abaaro baahsan oo saameeyey dadka iyo duunyada ay ka jiraan gobolka Gedo islamarkaana ay baqtiyeen xoolo badan isagoo intaa raaciyey in dad iyo xoolo aan badneyn ay u naq raaceen dhulka miyiga ah.

Wuxuu xildhibaan Indha-buur ugu baaqay Hay'adaha gargaarka iyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda u dhashay gobolka Gedo in ay gurmad u fidiyaan walaalohooda ay abaartu ku leyneyso gobolka, isagoo sheegay in haddii aan dadkaas gurmad deg-deg ah lala gaarin ay gobolka ka dheceyso masiibo bini'aadanimo.

Gobolka Gedo iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira abaar baahsan iyo biyo la'aan waxaana intaas dheer cuduro ay dad badan u dhimanayaan oo ka dilaacay gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com