3 qof oo
uu ku jiro Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka oo ku dhaawacmay
rasaas lagu furay gaari ay saarnaayeen oo marayey degmada
Wanla-weyn.
(Wanla-weyn,
March 30,
2008 Ceegaag Online)
Mid kamid ah
xildhibaanada Barlamaanka Dowladda ayaa ka mid noqday illaa
seddex qof oo ku dhaawacmay rasaas ay kooxo hubeysan ku
fureen gaari ay saarnaayeen oo marayey meel ku dhoiw degmada
Wanla-weyn ee gobolka Sh/hoose.
Xildhibaanka dhaawacmay oo la yiraahdo Sheekh Jaamac Xaaji
Xuseen ayaa kamid ahaa xubno ka tagay magaalada Muqdisho oo
ku sii jeeday magaalada Beydhabo oo xarun u ah xubnaha
Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma cadda ujeedada ay kooxahaas hubeysan rasaasta ugu fureen
gaariga uu la socday xildhibaanka, lamana oga in kooxaha
rasaaseeyey gaariga ay ahaayeen kooxaha Dowladda ka horjeeda
ama ay ahaayeen maleeshiyo hubeysan oo jidgooyo dhigtay
wadada.
Si dhab ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay dhaawaca
gaaray xildhibaan Jaamac Xaaji Xuseen, waxaana warar aan la
xaqiijin ay sheegayaan in dhaawaca soo gaaray xildhibaanka
uu yahay mid aad u fudud.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |