shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

60-qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay badda dalka Turkey-ga kadib markii ay dadkaas la qalibantay Dooni ay saarnayeen

(Turkey, March 25, 2008 Ceegaag Online)

War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda ilaalinta xeebaha ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in 60-qof oo ku dhintay badda dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya laga helay magaalada Diadem oo ka tirsam gobolka Aydim ee dalka Turkiga.

60-ka qof ee Soomaaliga ah ayaa waxaa ay waaxda ilaalinta xeebaha dalka turkiga sheegtay in ay kamid tahay haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Caa'isho C/raxmaan, iyadoo warku uu intaa raacinayo in weli lagu raadjoogo dad kale oo lagu la' yahay badda Turkiga.

Dadka dhintay iyo kuwo weli lagu la' yahay badda dalka Turkiga ayaa waxa ay si tahriib ah ugu socdeen dalal kamid ah kuwo Yurub iyagoo maraya safar dhinaca badda ah oo ay ku halis galinayaan noloshooda.

Dad badan oo ka kala tagay qaaradda Afrika iyo Asia ayaa safar naf hurnimo ah waxa ay ku maraan badweynta Hindiya halkaas oo dad badan ku dhintaan halka tiro yar oo dad ah oo badbaaday ay u sii gudbaan dalalka Yurub halkaas oo mararka qaar ay kala kulmaan cadaadis fara badan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com