75-qof
tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay xeebaha dalka Yemen
iyadoo weli aan nolo iyo geeri lagu heynin tiro kale.
(Yemen, March 29,
2008 Ceegaag Online)
In ka badan
75-qof tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku naf waayey biyaha
badda ee dalka
Yemen
markii dadkaas lagu daadiyey badda dalka
Yemen.
Wararka laga
helayo dalka
Yemen
ayaa sheegaya in tirada dadkii ku dhintay xeebaha badda
Yemen
ay sii kordhayaan iyadoo la helayo meydad hor leh oo ay soo
caarisay badda, waxaana inta la hubo la xaqiijiyey
dhimashada dad gaaraya 75-qof.
"Waxaa weli
la la' yahay tiro kale oo dad ah kuwaas oo ay baddu qaaday,
nolol iyo geeri midna dadkaas laguma hayo, waxayna kamid
ahaayeen dad badan oo labadii maalin ee u dambeysay si
tahriib ah ku soo galayey dalka
Yemen"
ayuu yiri qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka
Yemen Xuseen Xaaji Axmed.
Wuxuu intaa
raaciyey qunsulku in qaar kamid ah dadkii badbaaday lagu
baxnaaniyo gobolka Abyan halkaas oo xarun ay ku leedahay
Hay'adda dhakhaaqtiirta aan xuduudda laheyn.
Dadka dhintay
iyo kuwa badbaaday ayaa la sheegay in ay dooni ka soo qaaday
magaalada dhinaca
Bari
ku taala ee Bosaaso kadibna ay dadkii watay doonida ay si
bareer ah dadka ugu amreen in ay biyaha badda ku daataan
halkaas oo ay ka dhalatay dhimasho badan.
Wararka laga
helayo dalka
Yemen
gaar ahaan gobolka Abyan ayaa sheegaya in labadii maalin ee
ina dhaaftay ee halkaas gaareen in ka badan 450-tahriibayaal
Soomaali ah kuwaas oo badankood u gudbay magaalada Sanca ee
xarunta dalka
Yemen.
Kumanaan
Soomaali ah ayaa inta badan ku dhinta badda u dhexeysa
dalalka
Yemen
iyo Soomaaliya waxaana dadkan ay ka cararayaan
dhibaatooyinka aan dhamaadka laheyn ee ku heysta gobolada
koonfureed ee dalka Soomaaliya halkaas oo ay ka jiraan
dagaallo aan dhamaad laheyn.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |