shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

C/laahi Amiin Rooble (Awkuu-kuu) Majaajiliiste caan ah oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, March 29, 2008 Ceegaag Online)

C/laahi Amiin Rooble (Aw-kuu-kuu) oo ahaa maajaajiliiste caan ah ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

C/laahi Amiin Rooble Awkuu-kuu ayaa u geeriyooday xanuun la sheegay in uu bilihii ugu dambeeyey si aad u hayey, iyadoo abaaro 7:00-fiidnimo ee xalay uu marxuumku u geeriyooday xanuunkii hayey.

"Aabe waxa uu u geeriyooday xanuun muddooyinkaan hayey oo uu la iildarnaa, shalay ayuu xanuunku ku siyaaday, waxaana ay naftu deysay xalay abaaro 6:55-daqiiqo" ayuu yiri Axmed C/laahi Amiin rooble oo ah wiil uu dhalay Awkuu-kuu.

                                          

Allaha u naxariistee Aw-kuu-kuu ayaa kamid ahaa majaajiliistayaasha sida weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, waxaana tan iyo burburkii dalka uu ku sugnaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu dadka Muqdisho kula wadaagay dhibaatooyinka ka dhacayey magaalada.

Marxuumka ayaa sidoo kale kamid ahaa Majajiliistayaashii hobolada Waaberi ee barisamaadkii masraxyada ku soo bandhigi jiray riwaayadaha, waxaana uu si gaar ah ugu caan baxay ka qoslinta dadka daawanaya riwaayadihii uu ka qeyb qaadan jiray.

Marxuumka ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb galayaan dad badan oo isugu jira fanaaniin, ururada bulshada rayidka iyo bahda saxaafadda.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii uu isla magaalada Muqdisho ku geeriyooday allaha u naxariistee laxamiitse Axmed Nuur Jaangow oo isna u geeriyooday xanuun qabtay.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com