shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Booliska Magaalada Cape Town ee Dalka K/Afrika oo howlgalo Tarxiil ah ka bilaabay xaafado ay Soomaalidu dagto.

(Johannesburg, March 31, 2008 Ceegaag Online) 

Ciidamada Amaanka ee Magaalada Cape Town ayaa howlagalo lagu taxaabayo dadka ajaaniibta ah ee aan sharciyada heysan ka wada xaafado ay Soomaalidu degto ee Belvile, Cape Town.

Sida uu sheegey Xadiis Xaji Aadan, oo ka mid ah ururka dhalinyarada Gobolka western Cape, ayaa sheegey in ay soo badatay dhaqdhaqaaqa ciidamada amaanka ee qaqabashada ka wada xaafadaha ajaaniibta ay u badanyihiin, sida Belvile oo kale, oo ay ku noolyihiin kuna ganacsadaan Soomaali aad u baddan. Wuxuu intaasi ku daray in helitaanka sharciyada oo markani adkaaday darteed ay Soomaali baddan oo hadda dalka yimid u baddan eey dhacdo in la qabto, amaba Qatar ugu jiraan.

Howlgalada noocaan oo kale ah , ayaa ah kuwa ka jirra dalka oo dhan, isla markaasina soo kordhaya. Xadiis ayaa ugu baaqay Soomaalida in eey ka dadaalaan xagga sharciyada.

Caadi ahaan dadka Soomaalida ah, waa ay ku fiican yihiin xagga sharciyada mana ahan dad ka seexda in ay aqoonsi dalka ku yeeshaan, waana dad garanaya dhibaatada aqoonsi la’aanta, balse Wasaarada socdaalka ee aqoonsiyada bixisa oo si habacsanaan ah howsha u wada ayaa keentey in Soomaali  badan ay ku dhacdo sharci daro.

Si Kastaba ha ahaatee   qab-qabashadan ayaa waxay ku soo beegmaysa xili uu wadanka ka jiro kacdoon ka dhan ah  Ajaaniibta ku dhaqan guud ahaan dalka Koonfur Africa

Hassan Yeey

Johannesburg, South Africa

yeey18@yahoo.com

  

webmaster@ceegaag.com