Hooyo iga
raali noqo intii aan ku jiri lahaa Faqriga dhulka oo aan
ciida cuni lahaa waxaan doortay in uu yaxaas igu cuno badda!!!
(Al-jeris, March
31,
2008 Ceegaag Online)
Sayidnaa Ali
Bin Abii Taalib Karamalaahu Wajahah Wa RC oo ahaa imaamkii
Muslimiinta ayaa waxaa uu Yiri asigoo Ka hadlaayay Faqriga "Hadii
uu faqrigu Nin ahaan lahaa seef ayaan Qoorta uga jari lahaa"
Haddaba inkastoo Dhulka Afrika uu yahay dhuli Qani ah oo wax
walba laga helo hadane Faqriga iyo Gaajadda (HANGER AND THE
POVERTY) ee ka jira Dalalka Afrika ayaa waxuu ku kalifay
boqolaal Dhalinyaro ah oo u dhashay Dalalka Afrikada waqooyi,
Afrikada dhexe ,Afkirada Bari in ay baddaha si murugo leh
ugu dhintaan
Dalka Aljeeriya oo ku yaalo waqooyiga Africa ayaa waxey
dhalinyaro badan u tahriibaan Yurub ayigoo raaca Dooman,
waxaana dhacda in Qaar ka mid ah Dhalinayaradaasi ay Gaaraan
Dalalka Midowga yurub Gaar ahaan Dalalka Spain iyo
Talyaaniga ayidoo kuwa kalane faqri ka cararaayo uu ku Cuno
badda dhexdheeda Yaxaas Badeed
Dhambaallo lugu Qoray Sigaarka warqadiisa lugana soo dhex
riday dhalooyin laga cabay cabitaano oo ay Badda soo tuurtay
ayaa waxaa laga helay xeebaha Badda Aljeeriya,dhamaabaladaas
ayaa waxaa Ahalkooda usoo qoray Dhalinyaro Aljeeriyaan ah oo
doonayay in ay gaaraan Yurub si Tahriib ah Balse markii ay
ogaadeen Mowjahadaha Badda weynta oo ku kacay darteed in
aysan bad baadi doonin Doonida kasoo dul qoray waraqadahaan
muragada leh, waxaana ka mid ahaa Hadaladan hoos ku Qoran:
" Hooyo
Iga Raali Noqo Aduuunka Korkiisa waxaan la joogi Waayay
Faqri intii uu i cuni lahaa aboorka Waxaan Ka Door badiy in
uu Badda igu Cuno Yaxaas Badeed ama Aan yurub Galo si aan
Faqriga uga Baxo"
Mid kale ayaa waxuu warqad Ahalkiisa usoo Qoray ku Yiri"
Hooyo iyo Aabe waxaan isku daayay in aan Dalkeena ka cararo,
Lakiin Nasiib Daro sida muuqata Badda ayaan dhaafi wayay,
Waalidkii aan jeclaayow Walaalihii aan jeclaayow Naftiina ka
taxadira, aduunka idinka ayaan idinku jeclahay, Qofkii
amarka Waalidkiis Qaadan waayo meel xun ayaa u danbeyneyso,
Nabadgelyo waan ka xumahay in aan warkiina diiday"
Mid kale oo asigane ka mid ahaa dhalinyaradii Tahriibka ku
jiray ayaa waxuu ku yiri Warqadiisa"Hooyadii
Qaaliga aheed waxaan warqadaan kusoo Qoraa ayidoo muoojado
xun nugu kacsanyahiin,aniga iyo 5 aljeeriyan ah ayaa isla
raacnay laash kuleemeysi waxaan islaheen dabaasha markaad u
dhawaataan xeebaha talyaaniga, lakiin waxaa muuqata in aanan
gaareyn Talyaaniga una soo laaban doonin Aljeeriya, iska key
cafi hooyo ma dooneyn in aan soo tahriibo lakiin waad
ogtahay dhibaatada aan ku jiray waan ku jeclahay"
Warqad kale oo ay heleen ciidamada badda ee Aljeeriya ayaa
waxey u Qoreed Sidan"Waalidkeyga
Badda ayaa kacsan ma ogi meesha aan ku suganahay qofkii diid
Nasiixadiisaa waalidkiisa waxaa u danbeyn doonta meel xun ,
hadii aan noolaado waan iska arki doonaa hadii aan dhinatana
waxaan isku arki doonaa Alle agtiisa"
Wiil asigane lugu magacaabo Maxamuud oo 24 jir ah Rabana in
uu Tahriibo ayaa waxuu yiri"
waxaan
taaganahay maalin walba Dekadda waxaan sugaa markab aan ku
dhuunto waxaan rabaa in aan Dalkaan isaga ka tago maahan
meel la joogi karo, waxuu gacanta u galay maafiyo, waxaan
rabaa in aan yurub galo ee shaqeesto kadibna guursado waxaa
Nasiib leh kuwii badda ku geeriyooday kuwaasoo ka tegay
faqrigaan iyo shaqo la,aantaan"
Warqadahan muragada leh ayaa waxaa qoray dhalinyaro
aljeeriyaan ah oo doonayay riyadooduna aheed in ay si
Tahriib ah ku gaaraan Janada yurub si ay shaqo wanaagsan u
helaan kadibna ay u guursadaan ayigoo ka cararaayay faqriga
iyo shaqo la,aanta ka jirto Dalkooda lakiin Nasiib Daro
riyadoodii ku dhamaatay in uu Yaxaas badeed Cuno sida
kumanaan Soomaali ah oo maalin walba dhibaatodan oo kale ku
dhacdo.
Uga danbeytii waxaan Shaki ku jirin faqrigu in uu yahay
Cadow iyo cudur Bini'aadanka oo dhami la dagaalamo waxaan
ayidana shaki ku jirin in dad badan oo ku nool dunida in ay
ku jiraan faqri kii ugu xumaa kuwa kalane ay ka carareen
dhulkoodii hooyo ayigoo raadinaayo nolol ka wanaagsan tan
dhulkooda hooyo ay ku noolaayeen, faqrigu waa cudur aadmiga
dhami wada neceb yahay kuna kalifa Insaanku in uu sameeyo
wax yaabo badan oo laga xishoodo,faqrigu waa wax mudan in
laga cararo aadna u xun caalamka oo dhana laga necebyahay
muslimiintuna ay ka duceestaan, faqrigu waa kan dadka is
jecel kala geeya, faqrigu waa kan dadka is qaba kala fura,
faqrigu waa kan dumarka ku kalifa jirkooda oo ay jecelyihiin
in ay gataan, faqrigu waa kana ku kalifa waalidiinta in ay
gadaan ubadkooda oo ay aduunka u jecelyahiin,faqrigu waa kan
caruurta dhiga wax barasho la,aan,faqrigu waa kan ku kalifa
Raga Qaarkooda in ay gataan Kaliyah Dumarkooda inta kala
baxaan ama Kilyahoodaba gataan lakiin inkastoo
dhibaatooyinkaas oo dhami jiraan waxaa muhiim in mar walba
Nafta la ilaaliyo lana jeclaado Nolosha oo laga shaqeeyo
sidii looga hortig lahaa faqriga.
Haddaba Akhrisow anagoo og Dalka Soomaaliya in uu yahay
Dalalka ugu faqiirsan Dunida makula tahay faqri kasto oo
jiro in ay yurub tahay meel mudan rafaadkaas in loo maro ?
maxaadse jeceshahay in aad kula taliso dhalinyarada
soomaaliyeed ee raba in ay Tahriibaan ? maxeysa tahay
arigtidaada ku aadan Guud ahaan Tahriibka? Sideesa u aragtaa
dhalinyaradan Aljeeriyaanka ah ma kuwa ku khaldan
Tahriibkooda misa kuwa ku saxsan?
Xigasho: Islamonline.net
webmaster@ceegaag.com |