Kooxaha
Mucaaradka ee Dalalka Somalia, Sudan iyo Itoobiya oo lagu
Amrey in ay iskaga baxaan Dalka Eritrea.
(Asmara, March
28,
2008 Ceegaag Online)
Dawlada Eritrea ayaa shaacisay inay dalkeeda ka caydhinayso
kooxihii mucaaradka ku ahaa Dowlada Federaalka Soomalaiya
kuwaas oo ka samaysmay Xildhibaano hore looga saaray
Baarlamaanka iyo hogaankii sarsare ee maxaakiimtii looga
awood roonaaday gacan ku haynta Koonfur Soomaaliya
dabayaaqadii sanadii 2006.
Wargeys ku hadla Afka Dowladda Eritrea ayaa lagu daabacay in
mas`uuliyiintii kasoo hor jeeday Dowladda Soomaaliyeed oo ay
hogaaminayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan uu isaga guuray
Magaalada Asmara, isaga iyo tiro kale oo mucaarad ah,
waxaana la filayaa inay u baqoolaan Magaalooyinka Jabuuti,
Dubai, Qaahira, Nairobi-Kenya maadaama Eritrea ay la soo
deristay dhaqaalo xumo, waxaase warar hoose sheegayaan inay
degitaankooda wadamo carbeed ay hor dhac u noqon karto in
qaar ka tirsan maxaakiimta loo gacan galiyo wadanka
Maraykanka maadaama wadamadaas iyo maraykanku ay gacan saar
leeyihiin.
Mucaaradka Wadamada Soomaaliya,Sudan iyo Itoobiya oo ayagu
xarun ay u ahayd Magaalada Asmara ayaa badidooda isaga
huleeleen Asmara ayagoo inta hadhayna la filayo inay dhakhso
uga baxaan Magaalada Asmara.
Arintan ayaa timid kadib markii kooxahii mucaaradka ku ahaa
soomaaliya lagu daray liiska Argagaxisada aduunka iyadoo
sabab looga dhigayo xubno ka tirsan hogaanka ururkii
Maxaakiimta ay gacan saar la lahaayeen argagaxisada aduunka,
iyo Beesha caalamka oo Eritrea cadaadis weyn uga yimid sidii
loo caydhin lahaa mucaaradka Wadamada Somalia, Sudan iyo
Ethiopia.
Halkan ka Akhriso Warka oo Af English Ah
http://www.awate.com/portal/content/view/4806/3/
webmaster@ceegaag.com |