Ra'isul wasaare
Nuur Cadde iyo wafdi uu hogaaminayo oo u duulay magaalada
Riyaadh ee dalka Sacuudiga
(Riyadh, March 30,
2008 Ceegaag Online)
Ra'isul
wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (N.
Cadde) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada
Riyaadh ee dalka Sacuudiga kadib markii ay ka dhoofeen dalka
Kenya.
Wafdiga Nuur Cadde ee gaaray magaalada Riyaadh ee dalka
Sacuudiga ayaa marti-qaad ka helay madaxda dalka Sacuudiga,
waxaana magaalada Riyaadh uu kula kulmi doonaan madaxda
boqortooyada dalka Sacuudiga.
Wafdiga Nuur Cadde oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan
Xukuumadiisa ayaa la filayaa in ay madaxda dalka Sacuudiga
kala hadlaan arrimo dhinacyo badan leh oo ay ku jirto sidii
ay Sacuudigu taageero ula garab istaagi lahaayeen shacabka
Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka isbiirsaday ay heystaan.
Ra'isul wasaare Nuur Cadde ayaa iyadoo la hadal hayo in uu
magaalada
Nairobi
kula kulmayo kooxaha mucaaradka ah waxa uu safar ugu
ambabaxay dalka Sacuudiga halkaas oo kulamo kula qaadan
doono mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Sacuudiga.
Waa booqashadii ugu horeysay ee Ra'isul wasaare Nuur Cadde
uu ku tago dalka Boqortooyada Sacuudiga tan iyo markii loo
magacaabay xilka Ra'isul wasaaranimo.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |