shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo shir la qaatay madaxda golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye.

(Muqdisho, March 23, 2008 Ceegaag Online)

Kulanka oo ah mid albaabada loo xiray oo aan saxaafadda loo ogoleyn ayaan si dhab ah loo ogey waxyaabaha rasmiyan looga hadlay, waxaase warar hoose ay sheegayaan inuu Ra'isulwasaare Nuur Cadde madaxda dhaqanka Hawiye kala hadlayo sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen dib u Heshiisiinta ay ku dhawaaqdey Dowladda Federaalka Kmg.

Kulanka oo ka dhacaya garoonka Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya halka golaha dhaqanka Hawiye ay uga qeyb galayaan guddoomiyaha golaha dhaqanka Hawiye Maxamed Xassan Xaad, Axmed Diiriye Cali afhayeenka dhinaca dhaqanka iyo xubno kale oo ka tirsan golaha dhaqanka Hawiye.

Faah-faahin dheeri ah lagama hayo waxa uu ku saabsan yahay oo ay dhinacyda ka wada hadlayaan, sababo la xiriira iyadoo saxaafadda loo diiday in ay goob joog ka noqoto kulanka.

Dhawaan ayaa Ra'isulwasaare Nuur Cadde uu ugu baaqay saraakiisha iyo ciidamada dowladda in ay xayiraadda ka qaadaan madaxda golaha dhaqanka Hawiye si ay qeyb uga noqdaan dhinaca ib u heshisiinta taas oo dadweynuhu ay ku tilmaameen mid wax badan horseedi karta.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com