shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho

(Muqdisho, March 17, 2008 Ceegaag Online) 

Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amaanka ee Dawladda ay ka qeyb qaadanayaan howlaha dib u heshiisiinta ee xukuumada Federaalka Kmg ah..

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa shirkaasi qabtay kadib laba maalmood oo kulamo xasaasi ah uu la lahaa dhamaan taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee dawladda Federaalka Somaliya kuwaasi oo uu kaga arrinsanayay qaabka ay dib ugu soo ceshan karaan kalsoonidii shacabka ee luntay.

Waxaa uu ballan qaaday Ra’iisal Wasaaruhu in dhaq dhaqaaqa Odayaasha ku jira Golaha Midnimada iyo dhaqanka Hawiye uuna hogaamiyo Max'ed Xasan Xaad aan la xayiri doonin isla markaana aysan dhanka dawladda waxba u baadi goobeyn.

Nuur Cadde waxaa uu cadeeyay in Odayashaasi ay qeyb muhim ah ka yihiin dadaalada dib u heshiisiinta sidaasi daraadedna ay tahay in la fududeeyo dhaq dhaqaaqyadooda si taasi ay ugu saacido xukuumadiisa hormarinta wadahadalka.

Dhamaadkii sanadkii hore ayaa guddoomiyaha Golaha dhaqanka beesha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, uu sheegay in uu dhuumasho ku jiro ka dib markii uu u baqay naftiisa oo dhawr jeer Hooyga uu ka degan yahay Muqdisho kormeereen Ciidamada Dawlada Somaliya.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxa uu ku adkeeyay ciidanka dowladda inay xushmeeyaan dadweynaha, ayna ka qeyb qaataan dadaalka dib u heshiisiinta ee dowladdiisa, isagoo dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada inay doorkooda ka qaataan, oo ay bixiyaahn canshuuraha  ku waajibtay si loo sugo ayuu yiri ammaankooda.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com