shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Arrimaha dibadda Ethiopia Seyoum Mosfen oo safar aan la sii shaacin ku yimid magaalada Muqdisho kulanna la qaatay Madaxweyne Yuusuf.

(Muqdisho, March 29, 2008 Ceegaag Online)

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku yimid magaalada Muqdisho isagoo ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde Internationalb Airport ee magaalada Muqdisho.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana ciidamo isugu jira Ethiopian iyo kuwa dowladda Federaalka la soo dhoobay waddooyinka gala xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia halkaas oo ay si feejignaan ah uga ilaalinayan amaanka xarunta madxtooyada.

Seyoum Mosfen ayaa kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, lamana oga waxa ay ka wada hadleen labada mas'uul. Inkasta mas'uuliyiinta ay ka wada hadlayaan arrimaha dib u heshiisiinta ee dowladda Federaalka ku baaqdey, waxaana aan weli la shaacin waxa uu ku saabsan yahay kulanka dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Seyoum Mesfin.

Dhawaan ayuu socdaal kan lamid ah ku tagay magaalada Beydhabo halkaas oo uu kulan kula qaatay seddexda mas'uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com