Banaanbax
balaaran oo looga cabanayo sare ukaca qeybaha kala duwan
maciishadda iyo diidmada lacagaha duugga ah ayaa maanta ka
dhacay magaalada Muqdisho
(Muqdisho, March
18,
2008 Ceegaag Online)
Dibadbaxaan
oo ay dhigayeen dad far badan ayaa looga cabanayey qiimo
kororka ku yimid noocyada kale duwan ee maciishadda, waxaana
dibadbaxayaashu ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku
cambaareynayaan ganacsatada oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa
sicirbararka ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Dibadbaxaan oo ka dhacay degmooyinka Wada-jir iyo
Dharkeynley ayey shacabkii dhigayey waxa ay si weyn u
muujinayeen sida ay uga xun yihiin in ganacstadu ay qiimo
koror ku sameeyaan waxyaabaha daruuriga u ah nolosha
aadanaha gaar ahaan raashinka.
Dadka dibaxbayaasha ah ayaa u badnaa dadka danyarta ah ee
saameynta ugu horeyso ay ku yeelatay sicibararka ka jira
dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ah oo maalmahaan si
weyn looga dareemayo sicirbararka.
Waxgarad iyo abwaano ayaa ka qeyb galay dibadbaxa iyagoo
tilmaamay in shacabka danyarta ah loo turo oo aan si arxan
darro ah loola dhaqmin, islamarkaana aan qiimo koror joogta
ah aan lagu sameyn waxyaabaha daruuriga u ah nolosha
aadanaha gaar ahaan cuntada.
Si kastaba ha ahaatee dibadbaxanaa ayaa imaanaya xilli
magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo gobolada dalka
Soomaaliya ay ka jiraan sicirbarar xooggan oo saameeyey
nolosha kumanaan dad ah oo u badan dan yar aan awood laheyn.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |