Banaanbax
rabshado wata oo xalay ka dhacay degmada Kaaraan.
(Muqdisho, March
19,
2008 Ceegaag Online)
Banaanbax
rabshado xambaarsan loogana horjeeday sicirbararka iyo
diidmad lacagaha duugga ah ayaa xalay ka dhacay degmada
Kaaraan iyo qeybo kamid ah degmada Yaaqshid.
Kumanaan dad
ah oo careysan ayaa isu soo baxaas ku muujiyey sida ay uga
xun yihin sicirbararka ku yimid nuucyada maciishadda iyo
diidmada ay ganacsatadi ka muujiyeen lacagaha duugga ah,
iyagoo isu soo baxa ka bilaabay degmada Kaaraan islamarkaana
soo gaaray degmada Yaaqshid.
Dadka
dibaxbaxayaasha ah ayaa intii ay waddooyinka marayeen waxa
ay sameynayeen rabsahado iyagoo burburiyey qaar kamid ah
gawaari ku jirtay garaashyo ku yaala hareeraha wadada
laamiga ah, waxaana markii dambe dadkaas kala buriyey
ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa isgoyska Fagax ee
magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah
dibadbaxayaasha ayaa u dhaqaaqay dhinaca wadada wadnaha
iyaga oo socod ku gaaray isgoyska Siinaay, lama sheegin
dadkaas in ay khasaare gaarsiiyeen gaadiid iyo weliba hanti
taalay deegaanadaas.
Maalintii
shalay ayey aheyd markii dad ka xun sicirbararka maciishadda
ku yimid iyo diidmada lacagaha duugga ah ay dibadbax ka
dhigeen degmoyinka Wada-jir iyo Dharkeynley, iyadoo
guddomiyaha degmada Wada-jir uu halkaas ka sheegay in
talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii diida
lacagaha duugga ah.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |